Arbaco, August 04, 2010 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 12-kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta lagula beegsaday haweenka ka shaqeynayay nadaafadda degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
"Qaraxa waxaa fuliyay wiil yar oo ay dileen ciidammada dowladda, waxaana laga helay rimuutkii uu miinada ku qarxiyay, goobta waxaa ku dhintay laba qof oo ka mid ahaa haweenkii ka shaqeynayay nadaafadda 12-kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Boondheere ee DFKMG oo saxaafadda la hadlay qaraxa kaddib.
Haweeney ka mid ahayd kuwii nadaafadda ka shaqeynayay ayaa iyadoo ilmo ay ka socoto indhaheeda waxay sheegtay in qaraxa ay goobta keeneen haween kale uuna fuliyay ruuxa la toogtay, iyadoo sheegay in falku uu ahaa mid argagax leh.
"Innagoo howsha nadaafadeed ku jirna ayaan maqlay qarax weyn, waxaan arkay dhimashada laba qof oo ka mid ahaa haweenkii ka shaqeynaya nadaafadda iyo dhaawaca 12-kale oo loo qaaday isbitaalka Madiina," ayay tiri haweeneyda ka badbaaday qaraxa oo argagax awgiis sheegi waday magaceeda.
Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG ayaa si wadajira h u cambaareeyay qaraxii maanta dhacay, waxayna ku tilmaameen qarax argagax leh oo la mid ah kuwa ka dhaca dalalka calaamka, iyagoo mas'uuliyaddiisa dusha ka saaray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Qarax midkan la mid ah ayaa laba sano ka hor ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, kaasoo lagu dilay 15-haween ah oo nadaafadda ka shaqeynayay iyadoo tiro kale oo ka badan 50-qof ay ku dhaawacmeen, qarax kale oo isla sannadkaas ka dhacay jidka wadnaha ayaa isagana lagu dilay haween kale oo ka shaqeynayay nadaafadda.
Ma jirto cid sheegatay qaraxii maanta lala beegsaday haweenka ka shaqeynayay nadaafadda, waxaana haweenkii ka badbaaday qaraxaas ay qaarkood sheegeen inay joojinayaan howlaha nadaafadeed iyagoo ka baqdin qaba in la dilo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya