
Arbaco, 04 August, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilkii guddoomiyenimo ee Xisbiga KULMIYE ku wareejiyay guddoomiye-xigeenkii 1aad ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.
Munaasibad si wanaagsan loo agaasimay oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Golayaasha Qaranka iyo xisbiga KULMIYE, ayaa Madaxweynaha Somaliland kaga dhawaaqay in uu xilkii guddoomiyenimo ee xisbiga talada qabtay ee Kulmiye ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi. “Sidii ballanku ahaa waxaan maanta xilkii guddoomiyenimo ee xisbiga KULMIYE ku wareejiyay guddoomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, soo dhawoow Muuse,” ayaa ka mid ahaa ereyadii uu halkaa ka jeediyay madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in aanay is-qabanayn in la dhiso dawlad tiro kooban oo tayo leh iyo in cid waliba doonto inay ka dhex muuqato, waxaanu sheegay in ay jiraan dad xisbigooda ka mid ah oo aan ku qancin magacaabistii xukuumadda. “Wali waxa jira dad aan ku qanacsanayn magacaabista, waxaanan leeyahay in ay dhisano dawlad tiro kooban iyo in qof waliba ka muuqdo isuma imanayaan. Waxaan shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan leeyahay nabadgelyada aynu ilaashano oo aynu sidii isugu duubnaano,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Kulmiye, horena u ahaa guddoomiye-xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka lagu wareejiyay.

In jagada guddoomiyenimo lagu wareejiyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mid ahayd ballamo ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye kala qaateen laba sanno ka hor oo ku ahayd bishii August 2008, wakhtigaas oo shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.