Dhinacyada isku-haya Soomaaliya oo loogu baaqay xabbad-joojin

Arbaco, August 04, 2010 (HOL) - Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay joojiyaan xabbada, si shacabka ay ugu suurogasho iyagoo nabad ah inay ka faa'iideystaan bisha Ramadaan.

"Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kasoo horjeeda waxaan ugu baaqaynaa inay xabadda joojiyaan si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadka ugu suurogasho inay bisha Ramadaan si nabad ah ku cibaadeystaan," ayuu yiri nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo warbaahinta la hadlay.

Nabaddoonku wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya aysan ahayn kuwo diimeed, balse ay yihiin kuwo siyaasadeed, isagoo intaas ku daray in dagaal aan wax horumar ah lagu gaarayn.

"Ma jirto cid horumar ku gaari karta dagaal, tusaale waxaa noogu filan 20-sano oo ay dagaallo dalka ka socdeen, dhinacyadu waa inay xabadda joojiyaan," ayuu yiri Axmed Diiriye.

Dagaallada ka socda Muqdisho ayuu sheegay inay khasaaraha ugu badan kasoo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, wuxuuna khasaaraha gaarta shacabka ku tilmaamay kuwo xanuun badan.

Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo dhinac kasoo jeeda iyo Dowladda KMG ah oo kaashanaysa AMISOM ayaa dagaallo maalinle ah waxay ku dhexmaraan Muqdisho, kuwaasoo khasaaraha ugu badan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya