Jaamacadda Plasma ee Muqdisho oo laan cusub ka furtay Magaalada Kismaayo

Arboco, Agoosto 4, 2010 (HOL) - Xaflad balaaran oo maanta ka dhacday xarunta machadka Jaamacadda Plasma ee magaalada Kismaayo ayaa waxa si rasmi ah xariga looga jaray laan Cusub oo hoostagta Jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho.

Maamulaha Machadka Plasma ee Magaalada Kismaayo Siraaje Aadan Max'ed oo isagu qudbad dheer halkaasi kasoo jeediyay ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u fureen laan cusub oo hoostageysa Jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho isagoona isagoona xusay in arintaasi ka danbeysay dadaal dheer oo ay sameeyeen dhalinyarada wax baratay ee magaalada Kismaayo.



Mr. Siraaje ayaa intaasi ku daray in kuliyadaha lagu baran doono machadka ay jaamacadda Plasma ka hirgelisay magaalada Kismaayo ay kamid yihiin, Kuliyadda Kalkaaliyenimada, Sheybaarka iyo weliba qeyb kale oo uu maamuluhu sheegay in ay ugu talo galeen in lagu soo dhiso ardeyda aqoontooda. wuxuu sidoo kale sheegay in ay haatan machadka iska diiwaangeliyeen ardey gaareysa ku dhowaad ilaa iyo 80 Arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho welina ay socoto isdiiwaan gelinta.

"Waxaan qorsheyneynaa in aan laamo hoostaga jaamacadda Plasma  ka hirgelino qeybo kale oo katirsan gobollada jubooyinka," ayuu yiri Mr. Siraaje oo qudbad halkaasi kasoo jeediyay.

Machadkan cusub ee ay jaamacadda Plasma ka hirgelisay magaalada Kismaayo ayaa waxa siweyn usoo dhaweeyay arday fara badan oo ka qalinjabisay iskuulada magaalada Kismaayo, waxaana furitaanka machadka cusub ee jaamacadda Plasma laanta Kismaayo uu kusoo beegmayaa xilli ay magaalada hore uga jirtay Jaamacadda kismaayo University taa oo qabanqaabineysa xafladda qalinjabinta dufcadii ugu horeeysay ee lagu furay jaamacaddaasi.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya