4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2009
Baaq Gobolka Hiiraan: Jaaliyadaha UK iyo Waqooyiga America

London, UK
Sabti, September 05, 2009

Bayaan ka soo baxay  Ururka Badbaadada Gobolka Hiiraan ee waddanka UK(Boqortooyada Ingiriiska)
Maanta oo Jimca ah taariikhduna tahay 04/09/2009  shir ay yeesheen Ururka Badbaadada Gobolka Hiiraan ee Carriga UK ayaa soo saaray baaq oo ay qodabbadiisu yihiin sida tan:
1) In ay taageersanyiin shaqada uu Jen Muqtaar ka wado Gobolka Hiiraan taas oo ah soo celinta amniga iyo kala dambeeynta
2) In ay si buuxda uu taageersanyihiin baaqi ay dhawaan soo saareen odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.
3) In go'aankii uu gaaray guddoomihii hore ee gobolka Hiiraan (C/Raxmaan Ibraahim Macow) ay tahay arrin isaga u gaar ah oo   ay bulshada reer hiiraan la qabin
Magacyadii baaqan soo saaray:
1) Kenadid Mumin Cali
2)Maxamud Diiriye Maxamed
3) Maxamud Xaji Cilmi
4)Cali Canshuur Jimcaale
5)Huseen  Aadan Tohow
6)Farah Ali Rooble
7)Xuseen Mocow Kheyre (Gabyoow)
8)Mahamed Tahliil Muumin
9)Cabdi Xuseen Malin
10)Cali Dahir Xuuriye
11)Cabdullahi Mumin Warsame
12)C/Qorane Khalif Axmed (dhoobac)
13)Cumar Cali Iidle
14)Mahamed Haji Mahamuud
15)Mahamed Cilmi Muumin
16) Maxamed Cilmi Caalin (Mexico)
17) Abdirahmaan Mahamud Guhaad (Shiino)
18) Liban Dahir Nuur (Liban Dheere)
19 C/Qaadir  Xuseen Sandhool ( Gushaa)
20)Abdirahmaan Mahamud Xassan ( Xawaadle)
21)Adan Maxamed Nuur (Shiilow)
22)Abdullahi Ibraahim Haashi
23)Shariif Shiikh Sharaawe
24)Mowliid Ahmed Nuur
25)Maxamud keynaan Carabeey (Shiino)
26)Xassan Maxamed Ibraahim (Kaafi)
27)Gaaxnuug Maxamed Farah
28)Abdirahmaan Xaaji Farah
29)Ahmed Dhicis
30)Maxamed Muse Barqadle
 31)Farah Ibrahim Siyaad
32)Ismaciil Afrah Cawaale (Sookade)
33)Aden Cabdulle Ahmed
34) Maxamed Cali Carab
35)Nuur Dheere
36)Saciid Xagar Camaloow
37) C/llaahi Farax Xuubsi
38)Dauud Geesay
39) Xassan Maxamud Afrax(Xassan Garyare)
40) Sugaal
41) Suuban Adan Gacal
42) Fatima Jimcaale Barrow
=========================================================================

Baaq: Jaaliyadda Waqooyiga America

Saturday, September 05, 2009

 

Hadaan nahay jaaliyada Hiiraan ee Waqooyiga America waxaan aad uga xunahay

dhibaatada soo jireenkaa ee heysata dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

Waxaa kaloon ka xunahay dhibaatooyinka soo noq-noqday ee saameeyey nabada gelyada iyo

xasiloonida gobolka Hiiraan iyadoo aan ogsoonahay inuu ka mid ahaa meelaha lagu tilmaamo

iney ugu nabad badan yihiin waddanka. Waxaan iyana ka wada warqabnaa in Gobolka Hiiraan

yahay gobolka kaliya ee laga taageeray Dowlada Federaalka marka laga reebo Villa Somalia.

Waxaa intaas waliba sii dheer oo aan ogsoonahay ilaa iyo hadda dadka qaarkiis ka degi la’

masiibadii ka dhacday magaalada Beletweyne 18kii Juun, 2009 kaasoo ay rag ka mida

halbowlihii gobolka ku naf waayeen magaca dowladda iyo sidii ay nabad waarto uga dhalin

lahaayeen gobolka Hiiraan awgeed. Waxaan Alle subxaana watacaalaa uga baryeynaa inuu

janadii fardowsa ka waraabiyo intii ku naf weysay dilkaa waxuushnimada lahaa, eheladii iyo

qaraabadii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siiyo.

Hadaba iyadoo intaas jirto waxaa wax aad looga xumaado ah in Dowladda Federaalkaa ee uu

Sheikh Shariif madaxweynaha ka yahay aysan buuxin kaalintii uga aadaneyd nabadeynta

waddanka gaar ahaan Gobolka Hiiraan. Waxaan la wada soconaa in ilaa iyo hadda aysan

dowladdu si hufnaan leh ama taageero buuxda oo muruq iyo maalba leh aysan siinin dadka reer

Hiiraan. Waxaa wax aad looga xumaado ah in ciidamada dowlada ee howlaha nabadeynta uga

jiro gobolka aysan helin wax daryeel ah ama taageero ah oo uga yimid dhanka dowladda.

Annagoo taas sababta ugu weyn ka dhigeyno, waxaa iyana wax laga xumaado ah in

gudoomiyihii Makamadaha Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan, Sheikh Cabdiraxmaan Ibrahim

Macow, uu 31dii August, 2009 shir jaraa’id qabtay kaasoo uu ku muujiyey inuu kalsoonidii kala

laabtay dowlada ku meel gaarkaa ee Sheikh Shariif madaxweynaha ka yahay. Marka loo fiiriyo

marxalada gobolku ku jiro, waxaan leenahay duruuf kasta oo jirta, gudoomiyuhu arrintaas waa

uu ku fududaaday waxeyna aheed inuu duubabka, odoyaasha, siyaasiinta iyo saraakiisha reer

Hiiraan la tashado oo uusan abuurin tafaraaruq iyo jahawareer cusub. Waxaan dowlada,

gudoomiye Macow iyo reer Hiiraanba kula dardaarmeynaa:

Dowlada iyo gudoomiyahaba waa iney shacbi weynaha reer Hiiraan u turaan oo ay danta

guud fiiriyaan kana taliyaan sidii nabad waarto iyo mustaqbal looga dhalin lahaa gobolka.

Waxaan leenahay kuna adkeyneynaa dowladda, haddiiay ay daneeneyso iney hanato

kalsoonida jaaliyadaha dibada, aqoon yahanada iyo dhamaan reer Hiiraanba, waa iney

talaabo deg-deg ah ka qabataa arrimaha la xariiro nabadgalyada gobolka, qalabeynta iyo

daryeelka ciidamada howlaha nabadeynta ka wado gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, waxaan ku boorineynaa guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta ee gobolka

Hiiraan Sheikh Cabdiraxman Ibrahim Macow inuu ka noqdo go’aankii ahaa inuu

Gobolka ka madax baanaan yahay Dawladda Federaaliga.Guddoomiyuhu ha oggaado in

go’aanka noocaas ah uu kala dhaxeeyo reer Hiiraan oo dhan loona baahan yahay in laga

wada tashado go’aanada keeni kara colaad hor leh.

Gudoomiyaha waxaa kaloon leenahay ummadda nabad u horseed kana ilaali wixii

tafaraaruq iyo cadowtinimo horleh keeni karo.

Gudoomiyaha waxaan kula dar-daarmeynaa kuna adkeyneynaa inuu la shaqeeyo

madaxda kale ee Gobolka, Xildhibaanada dowladda, guddiga odoyada dhaqanka iyo

gaar ahaan General Mukhtaar iyo ciidamada dowlada oo arrimaha nabadeynta ka wada

gobolka Hiiraan.

Waxaan dhammaan ummada reer Hiiraan ugu baaqeynaa iney is kaashadaan, daacad isu

noqdaan, cadowgooda isku meel uga soo jeestaan, dhiigooda kala bad-baadiyaan, isu

samraan kana wada shaqeeyaan sidii ay nabad waarta u heli lahaayeen.

Waxaan u sheegeynaa dhamaan reer Hiiraan meel kastey joogaan, gaarahaan kuwa

gobolka ku nool iney si wada jir ah oo aan loo kala harin uga tashtaan go’aan loo dhan

yahay oo ka turjumaa danta guud ee reer Hiiraana ka qaataan arrimahan cakiran ee

gobolka iyo maamulkiisa.

Waxaa ammaan mudan duubabka, odoyaasha, siyaasiinta, saraakiisha iyo dhalinyarada reer

Hiiraan ee u dhabar adeygay colaadaha joogtada ah, har iyo habeenna u taagan sidii ay nabad

waarto uga dhalin lahaayeen gobolka Hiiraan. Reer Hiiraan dagaal iyo colaad danbe uma baahna

“Dagaal inuu will ku dhinto maahee, wiil kuma dhasho”. Waxaana ogsoonahay in wiilal,

odoyaal, aqoonyahano, saraakiil iyo dad kaloo badan oo wax ku ool ah iyo maato kaleba macno

la’aan uga dhinteen reer Hiiraan, marka aan inta hartay bad-baadino, kuwii dhintayna u duceyno

inuu Alle u naxariisto. Reer Hiiraan waxey u baahan yihiin nabad waarto iyo iney ka wada

shaqeeyaan sidii ay u dhisi lahaayeen mustaqbalka caruurtooda. Gobolkeenu waa qani, waa na

wada deeqaa dhan walba ee aan ka fogaano waxa na kala geeyo oo aan isugu nimaado waxa na

mideeyo.

Jaaliyada Reer Hiiraan ee North America.