Dad ku dhaawacmay Madfac habow ah oo ku dhacay Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Howl-wadaag

Sabti, September 05, 2009(HOL): Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhaawacmay kaddib markii xaafadda shanta geed ee degmada howl-wadaag uu kula soo dhacay madfac habow ah, kaasi oo aan la ogeyn halkii laga soo tuuray.

Madfaca ayaa xiliga uu ku soo dhacayay xaafadad Shanta Geed ee Degmada Howl-wadaag waxaanan jirin wax dagaal iyo duqeyn oo xiligaas ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, marka laga reebo in ay rasaas goos goos ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere isku weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Dadka ku nool Degmada Howl-wadaag iyo kuwa ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayuu madfacaas ku abuuray cabsi, waayo madfaca wuxuu ahaa mid ka duwan madaafiicdii goobahaas ku dhici jiray, kuwaasi oo inta badan ku soo beegmay xili ay dagaallo ka socdaan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay dabayaaqadii sanadkii 2006-kii waxay noqotay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn, waxaana tan iyo xiligaas ka dhaca dagaallo iyo falal kale oo nabadgelyo darro ah oo ay dilal iyo af-duub ka mid yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya