Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wada hadallo u socdaan Xisbul Islaam

Sabti, September 05, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu wada hadal u socdo Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Ururrada ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo weliba ciidamada difaaca u ah ee Amisom.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengli oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga warbixinayay safarkii ay madaxda sare ee Dowladda ku soo kala bixiyeen Dalal Aasiya iyo Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in Dowladda ay horay ula heshiisay garab ka mid ah Xisbul Islaam, halka haatanna ay wada hadallo kula jiraan garab kale oo ka mid ah Xisbigaas.

“Dowladda mar walba waa uu furan yahay albaabkeeda wada hadalka, waana soo dhaweyneysaa cid kasta oo wada hadal wax ku dooneysa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengli.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay Ciidamada Amisom iyo waxqabadkooda mustaqbalka, wuxuuna sheegay in ciidamadaas la soo kordhinayo, marka la soo kordhiyo kaddibna waajibaadka loo bedeli doono, isla markaana laga dhigi doono nabad dhaliyayaal, halka ay haatan ka yihiin nabad ilaaliyayaal.

Dhanka kalena, Wasiirka waxaa uu sheegay in safarro ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Soomaaliya ku tageen dalalka Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Liibiya ay guulo ku soo dhamaadeen, wuxuuna caddeeyay in madaxdii ay la kulmeen ee dalalkaas ay dowladda u ballanqaadeen taageero dhinac walba leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya