Sabti, September 05, 2009(HOL): In ka badan 60 qoys oo ku jira xiro ku taala deegaanka Jawiil oo ka tirsan Goballka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa deeq lacageed oo gaareysa $500 oo doolar gaarsiiyay Urur Maxalli ah oo lagu magacaabo Beledweyne Development Organization, kaddib markii ay deeqdaasi ku soo hagaajiyeen dhaliyaro ku nool dalka Sweden.
Dadka deeqda helay oo u badanaa Haween ayaa intooda badan waxaa siweyn uga muuqday daruufaha dhinaca nolasha ah ee la soo darsay, waxaana ay si weyn uga mahad celiyeen kaalmada yar ee la soo gaarsiiyay maadaama lagu guda jiro Bisha Barkeysan ee Ramadaan.
Gabar lagu magacaabo Caasho Caddey oo u hadashay dadka deeqda helay ayaa siweyn ugu dhaliishay Hay'addaha Samafalka in ay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa, waxaana ay sheegtay in deegaanka ay ku nool yihiin ee Jawiil ay soo gaareen dad barakacayaal ah oo ka kala yimid Goballadda dhexe iyo Magaalada Muqdisho mana arkin ayay tiri dadkaasi dhowrkii sano ee la soo dhaafay Hay'ad xitaa soo booqato, waxaana ay si gaar ah ugu mahad celisay Ururka deeqda gaarsiiyay.
Madaxa Ururka Beledweyne Development Organization Cabdi Faarax ayaa HOL u sheegay in kaalmadu tahay mid ay ugu talagaleen in dadkaasi sida uu yiri ay ka dhigtaan Afur, waayo ayuu yiri daruufta meesha taalla ma'aha mid lagu dabooli karo kaalmo intaa gaarsiisan, waxaana uu ka codsaday Jaaliyadaha dibadda in ay u soo naxariistaan dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaaliya.
Sikastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in ay jiraa dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Goballada dalka isla markaana aan helin samafalkii ay u baahnaayeen marka laga reebo deeqaha ay soo diraan dadka Muxsiniinta ah ee ku nool dalka dibadiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Deeq la gaarsiiyay dad ku dhibaateysan xiro ku taalada deegaanka Jawiil ee Goballka Hiiraan
More News
- Baaq Gobolka Hiiraan: Jaaliyadaha UK iyo Waqooyiga America
- Mooshin Xil-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada Somaliland
- Wasiirka Gaashaandhigga Uganda oo sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya fasax loo siiyay in ay weeraraan saldhigyada kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Dagaal iyo Duqeyn goor dhaweyd ka bilowday Magaalada Muqdisho
- Wiilkii shanaad oo Somali-American ah oo lagu dilay Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wada hadallo u socdaan Xisbul Islaam
- Dad ku dhaawacmay Madfac habow ah oo ku dhacay Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Howl-wadaag
- Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyooyin isku rasaaseeyay Tuulada Jalam Qalam
- Ma dhab baa in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu kulamo la qaadanayo Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin?
- Ma iska afurtay keligaa, mise Allaah dartiis qof waa u afurisay?