Sabti, September 05, 2009(HOL): Waxaa qeybo ka mid ah Waddada Makka Al-Mukarrama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa waxaa la isugu adeegsanayaa madaafiic iyo rasaas yar yar, waxaana dhawaqa madaafiicdaas laga maqlayaa meelo ka fog halka uu dagaalka ka socdo. lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo dagaalkan ka dhashay, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay dagaalka oo waqti dhow bilowday.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay uu sheegay in ay wada hadal kula jiraan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ee kala ah Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Sidoo kalena, dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo la hadal hayo in Ciidamada Amisom ee difaaca u ah Dowladda Soomaaliya waajibaadka loo bedeli doono, isla markaana laga dhigi doono nabad-dhaliyayaal, halka ay haatan ka yihiin nabad ilaaliyayaal, kaddibna ay howlgallo nabad-dhalin ah bilaabi doonaan.
Wixii ku soo kordha dagaalka iyo duqeynta ka socda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya