Mooshin Xil-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada Somaliland

Sabti, 5 September 2009 (HOL): Mooshin maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne ah, isla markaana ay saxeexeen 38 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta la horgeeyey fadhigii Golahaas.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen 71 Mudane oo ka mid ah 82-ka Mudane ee golahaas, waxa lagu horgeeyay Mooshin maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo ka dhan ah Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa.

Fadhigan oo furmay abbaaro 10:30-kii Subaxnimo ee saaka, waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in sida Xeer hoosaadka Golahaasi dhigayo Mooshinada muddo 24 saacadood ah uu kaga soo talo bixiyo La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Goluhu.

Mudaneyaasha saxeexay Mooshinkan Golaha la horkeenay waxay kala yihiin

1- Aadan Tarabi Oogle

2- Abubakar C/Raxmaan Good

3- Axmed Cabdi Kijaandhe

4- Axmed Ducaale Bulaale

5- Axmed Ibraahim Daahir

6- Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

7- Bashiir Xuseen Tukaale

8- C/Casiis Ismaaciil Ducaale

9- C/Raxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere)

10- C/Raxmaan Yuusuf Cartan

11- Cali Xasan Maxamed

12- Cali Yuusuf Axmed

13- Maxamed Cismaan Bulqaas

14- Cumar Axmed Sanweyne

15- Faarax Axmed Cabdulle

16- Xaashi Xuseen Caabi

17- Xariir Siciid Bulaale

18- Xamse Maxamed Gaadoweyne

19- Ibraahim Axmed Haybe

20- Ibraahim Jaamac Cali

21- Ibraahim Xuseen (Dhaadheere)

22- Jaamac Xasan Aadan

23- Maxamuud Axmed Obsiiye

24- Maxamuud Dhunkaal Tukaale

25- Prof. Maxamed Cumar Jiir

26- Maxamed Faarax Qabile

27- Maxamed Jaamac Cabdi

28- Maxamed  Xuseen X Ciise

29- Maxamed Nuur Caraale (Duur)

30- Maxamed X. Yuusuf Axmed

31- Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi

32- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

33- Siciid Cilmi Rooble

34- Maxamed Jaamac Cali

35- C/Raxmaan Maxamed Talyanle

36- Mahdi Xuseen Caddarre

 Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa toddobaadyadii u dambaysay ka feejignayd in Mooshin noocan oo kale ah la geeyo Golaha, isla markaana Golaha geysay Ciidan Boolis ah oo tiro badan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland