Ma iska afurtay keligaa, mise Allaah dartiis qof waa u afurisay?

Sabti, September 05, 2009(HOL): Haddii aad ku afurto tobanaan nooc oo cunto ah, cabtana cabitaano kala geddisan, kuna faraxsan tahay sida raaxadda badan leh ee aad u suxuurato ogoow war dhiilo leh baa jira!.

Jid kasta oo magaalada Muqdisho ka baxa mid yar iyo mid weynba, iyo Magaalo kasta oo Soomaaliya ku taala gobal kastaba ha ahaatee, waxaa daadsan dad masaakiin ah, muslimiin ah, maati iyo agoon ah oo gaajeysan, ayna u dheertahay inay u sooman yihiin Allaah dartiis soon aysan afur u heysan.

Kuwo maalmo soomanaa ayaa gaajo darteed u geeriyooday, kuwo gaajo ayey la bukaan, welina Allaah dartiis ayey u sooman yihiin, kuwana silac ayey ku helaan afur ka kooban cambuulo aan iidaan laheyn ama soor aan goosaar laheyn oo 24-kii saacba ay mar helaan haddiiba ay helaan, waxaadna intaba wadaagtaan Islaamnimo, Soomaalinimo, iyo walaaltinimo, waxaad tihiin isku dhaqan iyo diin.

Allaah Subxaanahu watacaalaa wuxuu na weydiinayaa sababta aan isu weydiinweynay “MUXUU ILAAH KUU SIIYEY NOLOSHAN WANAAGGA BADAN, IYADOO AY JIRAAN WALAALO DHIBAATEYSAN OO LA IMTIXAANAY?”.

Noloshu waa imtixaan, qofna inuu cunto noocyo badan ah cuno ama dharka qurux badan oo model ah xirto aakhiro kama furaneyso xujooyinka eebe, waxa keliya furan karaa waa Camal suuban.

Sida kaliya ee aan kaga badbaadi karno arrinkaasi waa inaan u gurmanaa walaalaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ee diifta iyo dandarrada ku heysato geedaha hoostooda, kuwaas oo ay daruufta u dheer tahay waajibaadka Ilaah saaray ee ah inay Soomaan.

Si arrintaas wax looga qabto ayuu ururka Nabad iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee Sweden wuxuu u saaray guddi dhamaan waddamada Scandinavian-ka, sida Sweden, Norway, Denmark iyo Finland ka aruuriya sadaqooyinka loogu talo galay in ummaddadaas dhibaateysan ee noloshoodu halista ku jirto lagu gargaaro. Lana afuriyo kuwa aan afurka heysan ee Allaah dartiis u sooman.

Guddigaas waxay socdaal ku marayaan gobalo Sweden ah oo ay dadka ka aruurinayaan wixi sadaqo ah ee ay la bixi karaan si loogu gurmado ummadda baaba’eysa, waxayna hawsha sidoo kale ka socotaa dhamaan dalalka Scandinavian-ka:

Sadaqooyinka dadka laga aruurinaayo waxay kala yihiin:

1.Sakaatul fitr, oo qiimaheedu yahay: 75 kr. Qofkii

2.Sakada maalinlaha ah ee laga bixiyo dadka waayeelka ah ee aan soomi Karin. Waxyna noqoneysaa qofka aan Europe joogin ee laga dhiibayo $50 bisha oo dhan.
qofka waayeelka ah eek u sugan Yurub waxaa looga baahan yahay 62kr (X) 30 1860 kr.

3. Sakaatul maalka ciddii la baxeysa iyo cidii Allaah dartiis wax u dhiibaneysana waxaa laga qaadayaa wixii ay awoodaan ee ay sadaqeysanayaan.

Haddaba, 100 kr. Oo  Swedish ah waxay afur iyo suxuurba ugu filan tahay 10 qofood oo sooman, walaalayaal aan kheyrkaas ka qeyb qaado si aanan Ilaah hortiis maalinta qiyaamaha ugu xujoobin.

Sadaqaadka waxaa lagu soo hagaajin karaa account-kan hoos ku qoran:

TAFAASIISHA BANKIGA

SFU: BANKGIROT NUMBER: 260-3892

Qofka aan wax kale ee uu dhiibo heysanoow, walaalahaaga dhibaateysan haka masuugin sakaatul Fitriga Ilaah kugu waajibiyey, taas uun ku taageer.

Wixii faahfaahin ah waxaa lagala xiriirayaal dadka Ilaah dartiis hawsha ugu istaagay ee kala ah:

1. Norway: waxaa lala xiriirayaa: Yaasiin +4791008850 iyo Zakariye, + 4748197232

2. Denmark:  waxaa lala xiriirayaa: A/Qadir Gacal, +4526522883 iyo Abshir Foodcade +4528554080 iyo Cabdi Qurux +4527508235

3. Orobro: Waxaa lala xiriirayaa A/Fataax Siciid  +46707925511

4. Goteborg: waxaa lala xiriirayaa: Axmed Salad +46739924703

5. Stockholm: Waxaa lala xiriiraya: A/lahi Siciid Macalin +46762209022 iyo Cali Yare +46735996169

6. Gavle: waxaa lala xiriirayaa: Sheekh A/laahi +46735835762

7. Borlänge: waxaa lala xiriirayaa Siciid Macalin +46735857900 iyo Suldan Abukar Socdal +46736188464

8. Katrineholman: waxaa lala xiriirayaa Yaasiin Maaxi +46702907652 iyo Sheekh Qaasim +46739687140

Ogow qof walba wuxuu qiyaamaha la tagayaa wixii uu inta uu nool yahay Ilaah hor geysto, ee ilaah hana haleeshiiyo inaan wax hor marsanno.

W/D: Guddiga taakuleynta saaimiinta dhibaateysan iyo masaakiinta ee Ururka Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee SWEDEN.


Abukar Albadri
A Photojournalist
Tel: +2521 5548886, Mogadishu.
Tel: +254 722366651, Nairobi.
email: [email protected]
Mogadishu Somalia