![]() |
| Wasiirka Difaaca Uganda Crispus Kiyonga, bidix, oo calanka Uganda ku wareejinaya Col. Tumusime Kasigazi, midig, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee Soomaaliya jooga, Friday, Sept. 4, 2009, goobtuna waa Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Magaalada Kampala/SAWIRKA: AP |
Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii ay Dowladda Uganda u dirtay Soomaaliya seddex battalion oo ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo si wareeg ah loogu bedelay seddex battalion oo kale kuwaasi oo kuwoodii ugu dambeeyay shalay loo diray Soomaaliya.
Ciidamada cusub ee ay Uganda u dirtay Soomaaliya ayaa loo maleynayaa in ay yihiin kuwa la doonayo in ay ku shaqeeyaan waajibaadka loo bedelay Ciidamada Amisom. Mr. Crispus Kiyonga waxaa uu sheegay in waajibaadka ciidamadooda uu ahaa markii hore in ay kaliya ka jawaabaan weerarrada ay kooxaha hubeysan ku soo qaadaan, balse wuxuu hadda sheegay in aysan ciidamadooda sugi doonin weerarro lagu soo qaado.
"Markii hore Ciidamadeena iyo kuwa Burundi waxay sugi jireen kaliya in la soo weeraro kaddibna weerarkaas ayay jawaab ka bixin jireen, laakin hadda xaalka sidaas waa ka gedisan yahay, waxayna ogolaasho u heystaan ciidamadeena in ay weerarrro qaadaan"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Crispus Kiyonga .
Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxaa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ka jooga Ciidamo gaaraya 5000 oo askari, kuwaasi oo marar kala duwan la geeyay Soomaaliya, waxayna Ciidamadaas ilaalo ka hayaan goobo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku yaalla sida Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo dhaqdhaqaaqyada madaxda Dowladda muhiim u ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
