Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyooyin isku rasaaseeyay Tuulada Jalam Qalam

Sabti, September 05, 2009(HOL):Baabuur nooca Mini Bus-ka oo ay wateen qaar ka mid ah ciidamada Puntland ayaa waxaa rasaaseeyay koox hubeysan oo aan haybtooda la garanayn xili ay marayeen Tuulada Jalam Qalam oo u dhaxeysa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaray is-rasaaseyntaas waxay sheegayaan in ay ciidamadu iska caabiyeen raggaasi soo weeraray, laakiin waxa la sheegayaa in ay goobta ku dhawacmeen ilaa 2 qof waa sida ay noo xaqiijiyeen howlwadeennad Isbitaalka Dhaga-cadde ee Magaalada Gaalkacyo oo la geeyay dadka dhaawaca ah.

Dhanka kale safar lagu waday  in uu maanta ku soo garaaro Magaalada Boosaaso madaxweyne C/raxman  Maxamed Maxamud Faroole ayaa lagu soo waramayaa in uu hakad ku yimid, iyadoo la xusuusan yahay in madaxweynaha uu maalmahan safar shaqo ku joogay gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa safarka uu imaan lahaa magaalada Boosaaso wuxuu la xiriiray sidii uu gacan uga geysan xal u helidda mushkiladdii dhawaan ka dhacday deegaanka Ufeyn ee Gobolka Bari, waa sida uu HOL u sheegay Suldaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Salaadiinta ku howlan so oaf-jaridda mushkiladdii ka dhacady Ufeyn.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wuxuu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Taliyayaal Ciidamo oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya