Sabti, September 05, 2009(HOL): Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo dhawaan ku dhawaaqay in Maamulka Goballka Hiiraan uu ka Madax bannaan yahay Dowladda Soomaaliya ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa deegaano ka tirsan Goballka Hiiraan gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Socdaalka Guddoomiyaha uu ku marayo deegaanada hoos taga demooyinka ay ka taliyaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa lagu macneynayaa mid la xiriira sidii Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanadda uu booqday uga dhaadhicin lahaa go'aanka uu qaatay iyo kulamo uu la qaadanayo Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo gacanta ku haya Degmooyinka Maxaas iyo Buula-burte.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay kulamada Guddoomiyaha ayaa sheegaya in deegaanka Halgan ee Goballka Hiiraan ay isku akreen Saraakiil Sar sare oo ka tisan Xarakada Shabaabul Majaahidiin oo ka yimid dhinaca degmada Buula-burte, lamana oga waxyaabaha ay ka wada hadleen labada dhinac.
Laakiin waxaa muuqta in labada dhinac Guddoomiyaha iyo Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka mideysan yihiin mowqifka uu qaatay Guddoomiyaha ee ah in uusan aqoonsaneyn Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Kulanka la sheegay in ay wada qaateen Saraakiisha ka tirsan Xararkada Shabaabul Mujaahidiin iyo Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa ah mid siweyn looga hadal hayo gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana Su'aasha ugu weyn ee dadku isweydiinayo ay tahay waxa ugu danbeytii ka soo bixi doona kulamada Guddoomiyaha uu la lee yahay Saraakiisha Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda maadaama Magaalada Beledweyne waqtigan ku sugan yihiin Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo si weyn uga soo horjeeda muqifka uu qaatay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Ma dhab baa in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu kulamo la qaadanayo Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin?
More News
- Baaq Gobolka Hiiraan: Jaaliyadaha UK iyo Waqooyiga America
- Mooshin Xil-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada Somaliland
- Wasiirka Gaashaandhigga Uganda oo sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya fasax loo siiyay in ay weeraraan saldhigyada kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Dagaal iyo Duqeyn goor dhaweyd ka bilowday Magaalada Muqdisho
- Wiilkii shanaad oo Somali-American ah oo lagu dilay Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wada hadallo u socdaan Xisbul Islaam
- Dad ku dhaawacmay Madfac habow ah oo ku dhacay Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Howl-wadaag
- Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyooyin isku rasaaseeyay Tuulada Jalam Qalam
- Ma iska afurtay keligaa, mise Allaah dartiis qof waa u afurisay?
- Deeq la gaarsiiyay dad ku dhibaateysan xiro ku taalada deegaanka Jawiil ee Goballka Hiiraan