5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 29, 2009
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland iyo Wasiirka cusub ee Wasaaraddaas oo xilalkii isku wareejiyay

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Wasiirka maaliyada DGPL Dr Faarax Cali Jaamac ayaa maanta lagu wareejiyay xafiiska wasaaraddaasi kadib munaasbad ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Munaasbaddaan xil wareejinta ah waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Masuuliyiin kale oo aad u faro badan oo isugu jira  xukuumadda cusub iyo kuwii hore, iyadoo goobta xil wareejinta uu joogay wasiirkii hore ee Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Wasiirkii hore ee maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo halkaasi ka hadlay ayaa uga digay Wasiirka cusub caqbadihii uu horay ula soo kulmay ,isagoo madaxtooyada ku eedeeyay in inta badan laga soo qori jiray waraaqo ay lacago badan ku qoran yihiin.

Dr Faarax Cali jaamac wasiirka cusub ee maaliyada DGPL ayaa madaxwaynaha hortiisa ka sheegay in aysan jirin doonin wax is-daba marin  ah oo ka dhacda wasaaradiisa inta uu joogo ,isagoo intaasi ku daray in xilka uu si wanaagsan u gadan doono.

Docda kale Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole oo goobta xil wareejinta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Wasiirkii hore sida habsamida leh ee uu xilka u wareejiyay,waxaana uu kula dardaarmay wasiirka cusub in uu daacad ka noqdo xilka loo dhiibay.

Ugu dambayntii Wasiirka cusub ee Maaliyada DGPL Dr Faarax Cali Jaamac oo isagu maalmo ka hor ka yimid dalka Austaralia ayaa looga fadhiyaa in uu dajiyo qorshe wax looga badalayo Dhaqaalaha  Puntland oo dhawaanahan sii liicayay ,iyadoo wali aysan muddo 9 bilood ah wax mushaar ah arag ciidanka ammaanka ee Puntland.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia