ISMACIIL CUMAR GEELLE: “Madaxweynaha loo doorto Soomaaliya wuxuu u baahan yahay taageero”


Madaxweynaha Dowladda Jibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle


Khamiis, January 29, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Jibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo dooranayo uu u baahan doono ogolaasho iyo taageero uu ka helo beesha caalamka, isagoo xusay in markaas kadibna uu madaxweynaha la doortay wax qaban doono.

Madaxweynaha Jibouti oo u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in beesha caalamka ay waajib ku tahay in ay sidoo kale dhaqaale ku bixiso sameynta Ciidamo Boolis ah oo ka qeybqaata xasilinta dalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha la doorto wax wuu qaban karaan haddii la siiyo xogaa  taageero ah…haddii ay jiraan xoogaa is-bedello ah oo dhinaca Axdi Qarameedka ah, sidoo kalena la siiyo awooodo dhaqaale oo uu waajibaadkiisa ku gudan karo, wuu dejin karaa dalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo  61 sano jir ah, isla markaana xukuma wadan ay dadkiisa gaarayaan 800,000 oo ruux (tan iyo 1999-kii) ayaa intaas ku sii daray in madaxweynaha loo doorto Soomaaliya ay tahay howsha ugu horeysa ee uu qabanayo  in uu  amni ku soo dabaalo dalka Soomaaliya oo muddo 18 sano ku soo jiray dagaallo u dhaxeeyay qabaa’illo wax kala gucanaya, Qabqablayaal Dagaal, Xoogag Islaamiyiin ah, Ciidamada Dowladda, kuwa Midowga Afrika ka socda iyo kuwa Itoobiya.

Doorashada Madaxweyne ee maalinta berri ah ka dhici doonta Dalka Jibouti ayaa waxaa musharixiinta xilkaas dooneysa ugu cad cad Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Khatarta ugu weyn ee ay wajaheyso Dowladda madaxdeeda lagu soo dooranayo Jibouti ayaa waxay tahay Xoogagga Al-Shabaab oo sheegay in wax aanan ahayn Shareecada Islaamka  aan lagu xukumi doonin Soomaaliya.

Laakin Madaxweyne Geelle ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay yihiin kuwo aan lahayn mabda’ aan ka ahayn in ay wax dilaan, “waxba kama yaqaanaan Diinta, kaliya waxaan garanayaan in wax la dilo”ayuuna yiri Madaxweynaha Jibouti

Qaar ka mid ah Diblumaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa waxay si weyn ugu ololeynayaan in 10,000 oo Ciidamo Boolis ah loo sameeyo Soomaaliya, sidaas darteedna madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Maleeshiyaadka ah ay ka mid noqon karaan Ciidamadaas haddii fursad la siiyo.

“Markii ay maleeshiyaadka helaan cid u sheegta in la dhaqaaleynayo oo tiraahda waxaa la idin siinayaa mushaar, waxaadna awoodi doontaan in aad guursataan, waxaa la heli doonaa badankood oo Dowladda ku soo biiray”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kasta u heelan sidii ay u soo noqon lahayd Qarannimadii Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle waxaa uu intaas ku daray in aysan wax macno ah sameynin in dhaqaale badan ay Beesha Caalamka ku bixiso ciidamo shisheeye oo suga nabadda Soomaaliya, wuxuuna taasi bedelkeeda  hoosta ka xariiqay in la heli karo Ciidamo Boolis Soomaaliyeed ah oo bishii la siin karo  dhaqaale gaaraya 100 Doollar, kaasi oo wax badan ka raqiisan midka lagu bixiyo Ciidamada loo diray Darfur-Sudan iyo Democratic Republic Of Congo.

Ugu dambeyntiina, Hadalka uu sii daayay Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dalka Jibouti lagu qabtay Wada hadallo natiijadooda ay soo gebageboobayaan maalinta berri ah oo la dooranayo Madaxweynaha Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay Soomaaliya yeelato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia