Khamiis, January 29, 2009(HOL): Madaxda Maamulka Gobolka Bay ee Xaruntii Baydhabo ay ka ceyrsadeen Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegay in ay maalmaha soo socda weerar ku soo yihiin xoogagga ka qabsaday magaaladaas.
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo haatan ku sugan Deegaanka Doolow ayaa sheegay in gacan-ku-heyntoodii magaalada Baydhabo ay meesha ka baxday kadib markii sida uu yiri ay qiyaano ku sameeyeen Rag ka soo jeeda Digil iyo Mirifle oo heshiis hoose la galay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
“Raggaas waxay kala jebiyeen ciidamadii ammaanka magaalada sugayay, waxayna gacanta u geliyeen magaalada Baydhabo xoogag ku soo duulay”ayuu yiri C/fataax Geesey oo sheegay in ay maalmaha soo socda ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo, ayna dib u qabsan doonaan.
Sidoo kalena, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow oo haatan ku sugan Degmada Xudur ee Gobolk a Bakool ayaa sheegay in uu halkaas ka wado abaabul dagaal, wuxuuna caddeeyay in uu uruursanayo ciidamo uu ku weeraro xoogagga la wareegay gacan-ku-heynta magaalada Baydhabo.
Shiine Macallin Nuurow waxaa uu isna eedeyn u jeediyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay magaalada u gacan-geliyeen xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay in ay maalmaha soo socda soo gaari doonaan Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa haatan gacanta ku haya xoogagga Al-Shabaab, kuwaasi oo wada hadallo la leh Odayaasha iyo Waxgaradka halkaas ku dhaqan, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaaray ay sheegayaan in Magaalada Baydhabo loo sameynayo dhawaan Maamul Islaami ah oo hoos-taga Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo meel fagaare ah kala hadlay Dadka Baydhabo ayaa sheegay in ay Gobolka Bay ku dhaqi doonaan Shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay in qof aan shareecadaas ogoleyn uusan halkaas ku noolaan doonin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia