Khamiis, January 29, 2009(HOL): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegayo in dagaalkaas uu geystay dhimashada dad gaaraya 10 ruux iyo dhaawac soo gaaray 15 ruux oo kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jireen Dad rayid ah iyo dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray oo kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, kuwaasi oo dhawaanahan ay xiisad ugu dhaxeysay Degmadaas.
Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu dagaalka gestay waxaa uu saameyn ku yeeshay dadkii degmada ku noolaa, kuwaasi oo badankood ay baadiyaha degmada u bara-kacay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka bara-kacay ay ku jireen kuwo horay uga soo barakacay dagaallada iyo amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogagga taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab oo horay gacanta ugu hayay Degmada Dhuusa-mareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmadaasna waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, gacan ku heynta Degmadana ay la wareegeen Xoogagga u daacad ah Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia