Wafdi heer Sare ah oo ka socda Hay'adda WFP oo kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Magaalada Beledweyne Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo Odayasha dhaqanka

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Wafdiga oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah kana socda Hay'adda barnaamijka Cunadda Aduunka ee WFP ayaa waxaa hor kacayay Ku-xigeenka Agaamisimaha Baarnaamijka Cunadda ee Dalka Soomaaliya Gabadha lagu magacaabo Denise Brown.
 
Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Wafdiga iyo Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray Arrimaha dhinaca Nabad-galyada sida uu HOL u sheegay Afhayeenka Wafdiga oo lagu magacaabo Max'uud Xasan Guuleed oo intaa raaciyay in Kulanka dhaxmaray iyaga iyo Maamulka Islaamigu ahaa mid si wanaagsan leysugu afgartay.
 
" Socdaalkeenu waxaa uu ahaa mid la xiriira in aynu kala hadalno Mas'uuliyiinta deegaanka Arrimaha Nabad-galyada maadaama Hay'addu ku howlan tahay quudinta dadka tabaaleysan, waxaana marar badan dhacay dilal ka dhan ah arrimaha Bani'aadanimada  waana tan keentay in Wafdigu booqdo Goballada K/Soomaaliya ayuu yiri Max'uud Xasan Guuleed.
 
Dhinaca kale Kulan ay wada qaateen Wafdiga iyo Odayaasha dhaqanka oo ay ka mid yihiin Ugaasyada ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Wafdiga Gabadha lagu magacaabo Denise Brown oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay booqshadeeda Magaalada Beledweyne oo ah ayeey tiri Magaalo muhiim ah marka la eego halka ay ku taalo, waxaana ay intaa raacisay  Mr. Denise Brown in ay sii wadi doonaan howlaha Hay'addu ay ka wado Goballka taasoo aynu ka wada hadalnay ayeey tiri dhinaca Maamulka.
 
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo isagana ka hadlay Kulanka ayaa u mahad celiyay Wafdiga waxaana uu sheegay in ay jiraan dad dhibaateysan oo u baahan in ay la gaarsiiyo gar gaar deg deg ah, waxaana uu Ugaasku dhinaciisa sheegay in ay ka wada qeyb qaadan doonaan Arrimaha Nabad-galyada.
 
Laakiin intii uu socday kulanka ayaa waxaa leysku soo qaaday arin ka duwan wax yaabihii ay u socdeen Wafdiga oo aheyd in Hay'addu ay gacan ka geysato dadaalka dib loogu dhisayo wadada dhaxmarta Magaalada Beledweyne, gaar ahaan waxaa si gaar ah carabka loogu dhuftay Buuntada Degmada Buula-burte oo bur bur xoog leh uu ka muuqdo.
 
Wafdigu waxaa uu sheegay in arintaasi tahay mid ka baxsan Shaqada Hay'adda laakiin hadana Maalmo gudahood ay ku soo dirir doonaan qubaro arintaa u dhaba gala si markaa wax looga qabto.
 
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday in Hay'adda WFP qorsheyneyso in ay ka furato Magaalada Beledweyne Xafiis rasmi ah maadaama uusan hadda jirin Xafiis Hay'addu lee dahay oo si rasmi ah uga shaqeeya Goballka, wafdiga ayaa isla maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne iyaga oo u baqoolay dhinaca Gobalka Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia