Shirkadda Dahabshiil oo ogolaasho Bangi Islaami ah ka heshay Dawladda Jibouti

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Waxaanu la socodsiineynaa macaamiishayada sharafta leh, iyo guud ahaanba bulsha-weynta iyo ganacsatadaba, in shirkadda Dahabshiil ka heshay Dawladda Jibouti ruqsad ama liisan Bangi Islaami ah oo uu u dhan yahay sharciyaddiisii oo idili.

Bangigu waxa uu u fidin doonaa macaamiishiisa dhammaan adeegyada bangi islaami ah sida Warqadaha ruqsadaha ganacsi  (LC'yada), maalgelinnada, kaydinta lacagaha iyo waxyaabaha kale ee qaaliga ah, furidda xisaabaha socda (current accounts) iyo isu-gudbinta lacagaha.

Bangiga Dahabshiil waxa uu adeeggiisa ku baahin doonaa dhammaan gobollada dalka marka u horreysa ee sharciga waddanku u fasaxo.

Bangiga Dahabshiil waxa uu noqon doonaa bangi saamile ah oo dadweynaha iyo ganacsataduba ku yeelaan doonaan saamiyo waafaqsan shuruucda bangiyada Islaamiga ah ee caalamka.

Bangiga Dahabshiil waxa aasaaskiisa ka dambeeya shirkadda Dahabshiil, oo xarunteedu that Dubai, UAE.  Shirkadda waxa muddo labaataneeyo  sannadood si weyn looga bartay adduunweynaha iyada oo haatan adeeggeedu ku baahsan yahay caalamka oo idil.  Shirkaddu waxyaabaha ay ka shaqayso waxa ka mid ah isu-gudbinta iyo isu-diridda lacagaha iyo sarrifka lacagaha qalaad; waxana ay, isla markaa, leedahay qaybo ganacsiga guud ah; iyada oo weliba saami mug leh ku leh shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL.

Shirkadda  waxa  bishii November 2008 guddoonsiiyey abaalmarin caalami ah  Guddoomiyaha Ururka Caalamiga ah ee IAMTN, Lord Lamont, oo fadhigiisu yahay London, UK.