Khamiis, January 29, 2009(HOL):Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu saaka degmadaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Dagaalka oo waqti dhow bilowday ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay haddii uu ahaan lahaa mid soo gaaray dadka rayidka ah ee degmada ku dhaqan iyo haddii uu ahaan lahaa dhinacyada dagaallamaya.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsanayo ayaa wuxuu daba socdaa dagaallo horay uga dhacay Degmooyinka degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac barakac iyo burbur hantiyeed.
Inta badan dadkii ku dhaqnaa Degmada Dhuusa-mareeb ayaa saaka barakacay kadib markii ay dareemeen saan saan colaadeed, waxayna dadkaas naftooda ula baxsadeen dhulka baadiyaha ah ee degmada u dhow.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia