Musharixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya oo hadal ahaan u jeedinaya waxyaabaha ay qabanayaan marka la doorto

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Musharixiinta isu soo taagtay qabashada xilka madaxweynenimada Soomaaliya ayaa saaka waxaa laga dhegeysanayaan barnaamijyadooda waxqabad, iyadoo mid ka kasta oo musharixiinta ka mid ahna uu leeyahay daqiiqado kooban oo uu hadlayo.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ah Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in musharax kasta uu leeyahay 15 daqiiqo oo uu ku soo jeedinayo waxyaabaha uu doonayo in lagu doorto, wuxuuna caddeeyay in ay qaabka hadalka loogu qeybinayo ay tahay hab-raac magaceed loo eegayo sida ay u kala horeeyaan alifbeeto ahaan.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in musharixiinta khudbeynaya ay yihiin kuwo la soo hubiyay in ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimadooda oo aan ka xusi karno:

In ay soo gudbiyeen codsigooda musharaxnimo, taariikh nololeedkooda, labo sawir oo nooca baasaboorrada lagu dhejiyo ah, labo kun oo doollar, in uu yahay muwaadin Soomaali ah,  in uu caafimaad qabo, in uusan lahayn xaas ajnabi ah, isla markaana uusan dooneyn in uu hadda kadib guursado, in uu yahay aqoonyahan howl-kar ah oo gudan kara xilka uu u tarmayo, in uusan dembi gelin,  iyo kuwo kale.

Khudbooyinka ay maanta jeedinayaan musharixiinta ayaa waxaa ka hor-mari doonta ama ka gadaal mari doonta khudbad uu jeedin doono Ra’iisal Wasaarihii hore ee Malaysia Dr. Mahathir Mohamed, kaasi oo shirka loogu casuumay in uu Soomaalida siiyo waayo-aragnimo ku saabsan sida ay dalkooda xal ugu heli karaan. Dr. Mahathir Mohamed ayaa wuxuu ku yahay in dadka dalkiisa dib u heshiisiin ku mideeyay, isal markaana uu faqri uu ku jiray ka saaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia