Maamulka Gobolka Banaadir oo isbaaro-qaadis ka bilaabay Magaalada Muqdisho

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu la dagallami doono Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isbaarooyin dhigtay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Nabadgelyada Maamulka Gobolka Banaadir Nuur Xasan (Nuur Daqle) ayaa sheegay in shalay ay isbaarooyin ka qaadeen Magaalada Muqdisho, maantana ay qorsheynayaan in ay dhameystiraan kuwo kale oo u harsan.

Nuur Daqle waxaa uu sheegay in meelaha ay Isbaarooyinka horay uga qaadeen ay ku yaalliin Degmooyinka Yaaqshiid, Shibis ,C/Casiis iyo Shangaani, wuxuuna caddeeyay in ay tallaabadaas qaadeen kadib markii ay soo gaareen cabashooyin ka imaanayay dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo weliba darawallada gaadiidka BL-ka.

“Waxaan u sheegeynaa Ciidamada caadeystay in ay dadka dhibaateeyaan oo ay isbaarooyin dhigtaan in ay ka waantoobaan falalka xun xun ee ay ku kacayaan, haddii ay ka waantoobi waayaanna tallaabo ku haboon ayaan ka qaadi doonnaa”ayuu yiri Nuur Daqle.

Isbaarooyinkaas ay dhiganayeen Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin ay isku baheysteen in ay dadka iyo gaadiidka lacag sharci darro ah ka qaadaan ayaa intii aan shalay la qaadin waxay gaareen in ay Waxbarasho ka joojiyaan Dugsiyo ku yaala Degmada Shibis, kuwaasi oo loo diiday Ardaydii in ay tagaan goobahooda waxbarashada.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Darawallada kaxeeya gaadiidka BL-ka ah ayaa si weyn u soo dhaweynaya tallaabada uu qaaday Maamulka Gobolka Banaadir oo waxa loo dhisay ay tahay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka la soo darsa dadka ku dhaqan Gobolka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia