Ahmedou Ould-Abdallah oo la hadlay Soomaalida Qurba-joogta ah

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Khamiis, January 29, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa warqad uu ugu xog-waramayo wuxuu u diray Soomaalida Qurba-joogta ah ee ku dhaqan Dalka Soomaaliya dibaddiisa.

Danjire Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in inkastoo lagu daalay in Soomaaliya nabaddeedii iyo xasiloonideedii la soo celiyo hadana in ay haatan  jirto rajo ah in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay Soomaalida qurba-joogta ah horumarka ay sameeyeen 8-dii sano ee la soo dhaafay.

“Maanta (Shalay), halkan waxaa ka dhacday dhaarinta xubnihii Baarlamaanka ee ka yimid ARSta, kuwaasi oo dhamaa 200 oo mudane, aad ayay ii farxad gelisay in aan arko iyadoo ay wada fadhiyaan Xubnihii ka kala tirsanaa TFG-da iyo ARS-ta, waxayna taasi muujineysaa rajo ah in xal loo heli mushkiladda Soomaaliya”ayuu warqaddiisa ku yiri Ould-Abdallah.

Ould Abdallah waa sii hadlay wuxuuna si hordhac ahaan ah uga hadlay sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda, “doorashada madaxweynaha waxaa lagu wadaa in ay dhacdo Jimcaha, Sabtidana waxaa la dhaarin doonaa Madaxweynaha, si uu Axadda uga qeybgelo Shir ka dhacaya Magaalada Addis Ababa oo ay isugu imaanayaan Madaxda Midowga Afrika, waxaa xigi doonta soo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha, laakin inta aysan taas dhicin dhammaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxay aadi doonaan Magaalada Muqdisho, si ay halkaas ugu shaqeeyaan”ayuuna yiri Ahmedou Ould-Abdallah.

“Waxaan rabaa in aan mar labaad in idiin sheego in uu dhamaaday waqtigii dembiyada la iska gelayay la iska dhaqdhaqaaqayay iyo waqtigii ay Soomaalida is-dileysay, hadda wadankiina wuxuu u baahan yahay dulqaad iyo in ay dadkiisa wada shaqeeyaan, waxaa mar kasta ka cabatiin in dad aan Soomaali ahayn ay mar kasta Soomaaliya ka sameeyaan qoraallo iyo warar aan sax ahayn oo ah in aadan weligiin heshiineynina. Laga bilaabo geedi-socodkan Jibouti idinka ayay idiin taallaa in dadkaas ku caddeysaan iyo in ay qaldan yihiin oo markaasina  aad muujisaan in aad tihiin dad heshiin kara”ayuu yiri Ould Abdalla.

Ugu dambeyntiina, Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in uu maanta Baarlamaanka Soomaaliya la hadli doono Ra’iisal Wasaarihii hore ee Malaysia Dr. Mahathir Mohamed, kaasi oo lagu  casuumay in uu Soomaalida siiyo waayo-aragnimo ku saabsan sida ay dalkooda xal ugu heli karaan. Dr. Mahathir Mohamed ayaa wuxuu ku yahay in dadka dalkiisa dib u heshiisiin ku mideeyay, isal markaana uu faqri uu ku jiray ka saaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia