Khamiis, October 29, 2009(HOL): Dagaalkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug saaka ayaa iminka lagu soo warramayaa in uu iminka yara hakaday balse rasaas goos goos ah wali laga maqlayo halkii uu ka bilowday saaka,waxaaba wali is horfadhiya labada ciidan ee ka kala socda Puntland iyo Gal-Mudug.
Dagaalkan ayaa inta laga wa rhayo waxaa ku geeriyootay 15 ruux oo inta badan ay yihiin
Ciidamada halkaasi ku dagaallamay, waxaana ku dhaawacantay in ka badan 65 qof oo isugu jira labada kooxood ee dagaalantay iyo dad rayid ah oo ay rasaastu ku haleeshay wadooyinka magaalada Gaalkacayo.
Cusbitaalka Dhaga-Cadde ee ku yaalla Waqooyi Magaalada Gaalkacyo waxaa la dhigay 50 qof oo dhaawac, halka Cusbtaalka weyn-na la dhigay ilaa 20 qof oo iyana dagaalkaasi ku soo dhaawacmay.
Waxyeelladu intaasi kuma eka ee waxaa kaloo la sheegayaa in ay Gawaari gurmad ah dad ku jireen waddooyinka magaaladaasi oo ku mashquulsanaa halka uu dagaalku ka dhacayay.
Dagaalkan ayaa ka qarxay bartamaha magaaladaasi saaka, kadib markii duqa magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xassan ee Maamulka Puntland lala beegsaday qarax bambaano oo uu dhaawac gacanta ah ka soo gaaray, mar uu la socday qaar ka mid ah ciidamada Booliska oo burburinayay dhismooyin sharci darro ah oo ku yaala halkaasi.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ku fiday bannaanka maagaladasi gaar ahaan halka loo yaqaano Warshadda Gallaydda. Gudaha meelaha iminka la isku horfadhiyo ayaa waxaa ka mid ah Bangiga,Suuqa qeybta Qudaarta iyo qeybta waratada, waana meelaha kala bara labada maamul.
Dagaalkan ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha qeybta gobolka Mudug Muuse Axmed C/raxmaan (Xaasxaasi) wuxuuna sheegay in uu dagaalkani ahaa mid qorshaysan oo ay soo qaadeen Niman gaaraya 120 nin oo uu soo diray Cali Dahir Guddoomiyaha Nabadgalyada Maamulka Gal-mudug.
Dhanka kale Guddoomiyaha Nabadgalyada Maamulka Gal-mudug Cali Daahir ayaa isna saxaafadda u sheegay in aysan dagaalkaasi ka dambaynin ee uu ahaa mid si kama’ ah u dhacay iminkana ay ku howlan yihiin qaabkii loo xalin lahaa arrintaasi.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya