
Midig Kutubka heysta: Macallin Maxamed Siyaad iyo Shiikh Cusmaan Xiddig
Khamiis, October 29, 2009(HOL): Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka waa weyn ee ay dadka Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan.
Alle ha u naxariistee, Macallin Nuur ayaa waxaa dalka Kenya loo geeyay in looga daweeyo xanuuno la soo darsay, wuxuuna xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Intii aan xanuunka loogu qaadin Kenya ka hor Macallinka wuxuu ku noolaa guri uu ku lahaa Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu u wareegay wixii ka dambeeyay markii fariisinkiisii Degmada Howl-Wadaag uu ku lahaa (Masjidka Macallin Biyamaalow) uu noqday aag dagaal iyo meel aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.
Alle ha u naxariistee Macallin Nuur Maxamed Siyaad ayaa intii uu nolaa wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka, waxaana dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa ku nool dad badan oo uu soo baray Diinta Islaamka.
Waxaa la filayaa meydka Macallin Nuur Maxamed Siyaad la keeno Magaalada Muqdisho, isla markaana lagu aaso.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya