Sanad-guurada koowaad ee Qaraxyadii Hargeysa oo la xusay maanta (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis, 29 October 2009 (HOL): Munaasibad lagu xusayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Qaraxyadii lala beegsaday Hargeysa 29 October 2008 ee sababay dhimashada 28 Qof iyo dhaawaca 35 kale, ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Rayaale, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha UCID, Masuuliyiin ka socotay Xisbiyada, Wasiiro, Xildhibaanno, Hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood iyo marti-sharaf kale, ayaa dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale. “Dhacdadani waxay ahayd mid lala beegsaday Qaranimadeena oo waliba laynala beegsaday waqti xasaasi ah oo Doorasho lagu jiro. Waxaana lagu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, balse Ilaahay ma aqbalin in Somaliland burburto.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxaanu ku dheeraaday Falal Argagixiso oo ilaa sanadkii 2002 lala beegsaday Somaliland, kuwaas oo isugu jiray Dil, dhac iyo isku-day Qaraxyo.

Madaxweyne Rayaale wuxuu u mahad-naqay Dalalkii taageerada u fidiyay Somaliland waqtigii Qaraxyadu dhaceen oo ay ugu horrayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha dalkaas oo uu sheegay in uu Deeq ahaan dawo bilaash ah u fidiyay dhaawacyadii dadkii Qaraxaas ku dhaawacmay.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Dadkii falalkan geystay in Ilaahay Sharkooda inaga nabad-geliyo ayaan Ilaahay ka baryayaa, dadkii ku dhintayna u naxariisto, inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo.”

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay Xaaladda ka taagan Soomaaliya. “Dadka Soomaaliya Durbaannada ka garaacaya, waxaanu leenahay Somaliland uma baahna dhibaato. Waxaananu nahay Umad aan dadka gar-darraysan, haddii la gardarraysatana aan laga macaashin. Waxa naga go’an nin aan dalkayaga daafacno. Soomaali meel kasta oo ay joogtana waxay u baahan tahay nabad. Maanta qofkii Soomaali ah ee gudihiisa hagaajiya ee nabad keensada in la ammaano oo lagu garab-galo ayuu mudan yahay. Waxaanu leenahay, gacan waad naga helaysaan, balse looma baahna Durbaannada colaadda ee aad garaacaysaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxaanu ku dheeraaday dhibaatooyinkii Somaliland kala soo dersay Taliskii Madaxweynbe Siyaad Barre.

Wasiirka Madaxtooyada oo halkaa ka hadlay ayaa isna akhriyay Magacyada dadkii ku dhintay Weeraraad oo tiradoodu dhammayd 25 qof.




Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland