Sida lagu sheegay War-murtiyeed laga soo saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HOL, Isu-duwaha arrimaha Xuquuqal-Aadamaha ee Soomaaliya Mr. Mark Bowden ayaa sanad-guurada koowaad ee Qaraxyadii Hargeysa oo ay ku dhinteen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay awgeed, wuxuu sheegay in ay weli sii wadaan barnaamijyada horumarinta. “Sanad ka dib Weeradaas axmaqnimada ah markii la fuliyay, waxaan xushmad iyo qaddarin u hayaa saaxiibadayda aan ka daalin inay caawiyaan Soomaalida ka soo kabanaysa 18 sanno oo ay khilaaf ku jireen, iyaga oo wajaha maalin kasta khatar wayn iyo caqabado ka hor yimaadda shaqadooda intay ka shaqaynayaan goobahan.” Ayuu yidhi Mark Bowden.
Subaxnimadii 29 October 2008 ayaa saddex Qarax oo culus lala beegsaday saddex goobood oo kala ahaa; Aqalka Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo sidoo kale Xafiiska UNDP ee Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood ay ku dhinteen 25 Qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 35 Qof. Waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.
Barkhad M. Kaariye
Hiiraan Online
Hargeisa,