Burcad Badeedda heysata Lamaanayaasha British-ka ah oo ku hanjabay in ay lafaha la-haystayaasha gubi doonaan haddii la isku dayo in loo soo gurmado

Khamiis, October 29, 2009(HOL): Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta Lamaanayaasha u dhashay Britain ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan, isla markaana lafahooda ay gubi doonaan la-haystayaasha ay heystaan waa haddii bey yiraahdeen la isku dayo in loo soo gurmado oo xoog lagu furto.

Lamaanayaasha ay heystaan Kooxaha Burcad Badeedka ah oo lagu kala magacaabo Paul Chandler oo 58 sano jir ah  iyo Xaaskiisa Rachel oo 55 sano jir ah ayaa waxaa laga af-duubtay Xeebaha Soomaaliya iyagoo ku sii jeeday Dalka Tanzania.
Hanjabaaddan waxaa warbaahinta u soo gudbiyay nin Burcad Badeedda heysata Lamaanayaasha ka mid ah, kaasi oo magaciisa ku sheegay Maxamed Xuseen.

Ninkani oo Ingiriis ja-jab ah ku hadlayay ayaa wuxuu sheegay in haddii Ciidamada Britain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay xagooda xabad u soo ridaan ay taasi keeni doonto in ay baroortaan Qoysaska Lamaanayaasha ay heystaan.

“Waxaan uga digeynaa in ay na soo weeraraan, tani waano fiican ayay u tahay, haddii ay waanadan maqli waayaanna waxaan gubi doonnaa lafaha dadka aan heyno”ayuu hadalkiisa ku sii daray Ninkani Burcad Badeedka ah.

Hanjabaadda ka soo baxday Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay magaalada London ee dalka Britain uu kulan ku dhexmaray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo qoyska la-haystayaasha Britain u dhashay.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa u sheegay Qoyska uu la kulmay in Dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto wax walba oo ay u arkeyso xal nabadeed oo lagu sii deyn karo la-heystayaasha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya