
Khamiis, October 29, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa shalay London ka sheegay in uu ka baqayo in ay ka sii darto dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Xeebaha Soomaliya waa haddii buu yiri aan la helin kaalmo looga hortago faqriga ka jira Dalka Soomaaliya.
“Kooxaha Burcad Badeedka ayaa ka macaash lacageed ka hela af-duubka ay ka geystaan Xeebaha Soomaaliya, laakin waxaan dooneynaa in aan arrintaas so oaf-jarno”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo ka hadlayay kulan ay soo qaban qaabisay Xarunta
Chatham House ee fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Britain.
“Ma rajeyneyno in ay dadkeena khatar ku noqdaan ganacsiga caalamiga ah iyo socodka maraakiibta”ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo booqanaya dalal ka tirsan Qaaradda Yurub.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ugu baaqay caalamka in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa faqriga haya bulshooyinka ku nool dhulka xeebaha ah, kuwaasi oo intooda badan ay ka soo jeedaan dhalinyarada noqota burcad badeedda
Dhanka kalena, wuxuu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid shaaca ka qaaday walaac uu ka qabo in ay dalka Soomaaliya ku xoogeystaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda oo uu sheegay in ay haatan si weyn ugu lug leeyihiin arrimaha Soomaaliya. “Ma dooneyno in ay kooxahaas gabaad ka dhigtaan Soomaaliya” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa mar uu London kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Milliband wuxuu sheegay in Dowladdiisa ay gacan ka geysan doonto sidii xoriyaddooda loogu soo celin lahaa Lamaanayaal Britain u dhashay oo ay qafaasheen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Wasiirka A/Dibadda Britain David Milliband
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya