Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay mas’uul ka yihiin dhibaatada shacabka ka soo gaarta duqeynta iyo dagaallada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya- Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe)
Khamiis, October 29, 2009(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in khasaaraha duqeynta iyo dagaallada ka soo gaara dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool ay mas’uul ka yihiin kooxaha ka soo horjeeda.

Waxaa uu sheegay Shiikh Aadan Madoobe in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay madaafiic ka soo dhex tuuraan shacabka, kaddibna ay ka cararaan, sidaasna ay dhibaato ku soo gaarto shacab aan waxba galabsan.

“Dagaal fulaynimo ah oo aan rasmi ahayn ayay soo qaadaan, waxaa la rabay in ay meel cad fiirsadaan oo markaas  ay soo weeraraan dadka ay la dagaallamayaan, ma sameynayaan ee  waxay dhex fariisanayaan shacabka, markaas ayay madaafiic ka dhex tuuraan”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku qasban yihiin in ay ka jawaabaan weerarrada lagu soo qaado, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda Soomaaliya ka xun tahay in ay dad shacab ah dhibaato soo gaarto.

“Dad aan damiir lahayn waaye oo aan u naxaynin dadka shacabka ah, xitaa hadda ka hor waa la isku dayay in aan loo jawaabin haddii ay madaafiic soo tuuraan”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Dowladda keento sida uu u yiri  wax shacabka lagu badbaadinayo, cadawgana looga badbaadinayo.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay oo u dambeysay ay dad rayid ah dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay madaafiic ay isweydaarsadeen Ciidamada Amiosm iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya