Nin 112 sano jir ah oo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ku guursaday Gabar 17 sano jir ah

Khamiis, October 29, 2009(HOL): Boqolaal dadweyne ah ayaa waxay ka qeybgaleen meher ka dhacay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo ay isku mehersadeen nin da’ ah oo 112 sano jir ah iyo gabar dhalinyaro oo 17 sano jir ah.

Meherkan ayaa wuxuu dhexmaray Axmed Muxumed Dhoorre oo 112 sano jir ah, isla markaana ah Aabaha  18 caruur ah oo soo  guursaday shan haween ah iyo Safiya Cabdulle oo 17 sano jir ah, guurka ninkaas odayga ahna raali ka ah.

“Maanta Riyadeyda Alle ayaa ii rumeeyay”ayuu yiri Axmed Maxamed Dhoorre kaddib markii lagu mehriyay Safiya. Qoyska Safiya ayaa waxay ku faraxsan yihiin guurka ay Gabadhooda guursatay nin aad uga da’ weyn.

Axmed Maxamed Dhoorre ayaa sheegay in gabadha uu guursaday uu in badan awoowe u noqon karo (in uu aad uga da' weyn yahay), wuxuuna caddeeyay in koritaanka gabadhan oo ay isku deegaan yihiin uu in muddo ah sugayay.

“Ma qasbin, laakin waxaan isticmaalay khibraddeyda si aan uga dhaadhiciyo in ay iyadu qirato in ay i dooneyso ina jeceshay”ayuu yiri Axmed Maxamed Dhoore.

Wariyaha BBC-da Maxamed Colaad Xasan oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in Arooskan oo ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay dad taariikhyahanno ah ku tilmaameen in uu yahay  midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya