Khamiis, October 29, 2009(HOL): Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Uganda Sayid Axmed Shiikh Daahir ayaa shalay shaaca ka qaaday in Maleeshiyooyinka Al-Shabaab aysan awood u lahayn in ay soo weeraraan Dalka Uganda.
Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Safaaradda Soomaalida ee Uganda ayuu sheegay in hanjabaaddii dhawaan ka soo yeertay Al-Shabaab ee ku wajahneyd dalalka Uganda iyo Burundi ay ahayd mid loola jeeday in lagu kala dhantaallo kalsoonida Soomaalida Uganda dhexdeeda ah, sidoo kalena lagu waxyeelleeyo Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Uganda iyo Soomaaliya.
"Al-Shabaab ma lahan awood ay ku qaadi karaan weerarrada ay sheegeen oo kale”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Sayid Axmed Shiikh Daahir oo markii uu hadalkan jeedinayay ay dhinaciisa fadhiyeen Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo Jen. Cumar Xaaji Masalle.
Sayid Axmed Shiikh Daahir oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in inkastoo aysan Shabaab lahayn awooddaas haddana aysan dhayal u qaadan Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ay hanjabaadda ku socotay.
“Marka qof kuu hanjabo, waa in aad hanjabaaddaas u qaadataa si dhab ah, aadna feejignaataa”ayuu mar kale yiri Sayid Axmed Shiikh Daahir oo ku eedeeyay qaar ka mid ah saxaafadda Soomaalida in ay warar aan jirin ka fidisay Soomaaliga Uganda, kaasi oo ahaa in Dowladda Uganda ay bartilmaameedsaneyso Soomaalida ku nool dalka Uganda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Soomaaliy