Khamiis, 29 October 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ka taagan, waxaanu baaq u jeediyay Beesha Caalamka, Bulshada Soomaalida iyo dalalka la deriska ah Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale wuxuu ka hadlay Ficillada Argagixiso ee ka socda Soomaaliya, Pakistan iyo qaar ka mid ah Dalalka Dunida Islaamka. ”Caalamka Islaamka waxa ka soo baxay fidnad Diinta Islaamka lagu fidnaynayo oo Islaamnimada lagu dhaawacayo. Waxa haddaba inaga inala gudban in habka loola dagaallamo aynu kaga dayano Dalalka Islaamka, sida Sucuudiga. Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo ay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu hormood ka tahay in la qabto fadwooyin lagaga hadlayo Dagaalkan nooca cusub ah ee umaddeena u horseedaya Diin-la’aanta.” Ayuu yiri Madaxweyne Rayaale oo maanta ka hadlayay Xus loo sameeyay sanad-guuradii ka soo wareegtay maalintii Somaliland lala beegsaday Qaraxyada Argagixiso 29 October 2008.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumad ahaan ay heleen Kutub la baro Ubadka oo ay ku qoran tahay in dilka Hooyada iyo Aabbahu ay xaq tahay. “Umaddeena waxa kale oo aan leeyahay, Ubadkeenii baa la kaxaysatay oo wax kale loo sheegay. Hadda waxaanu haynaa Kutub Ubadkeena loo akhriyo oo Xadiisyo badhna laga tago, badhna la soo qaato. Kuwaas oo la leeyahay, Jihaad baad ku jirtaa oo xitaa haddii aad Hooyadaa iyo Aabbahaa disho waa kuu xalaal. Sidaa darteed, looma baahna in laga aamusee, waxa loo baahan yahay in laga hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Maanta waxa Pakistan ka socda waad ogtihiin, waxa Caalamka Islaamka ka taaganna waad la socotaan. Dadka inaga ah ee lagu soo qabto Falalka noocaas ah, Madaxweyne ayaan ahay oo waa laygu yimaaddaa oo waxa la yidhaahdaa hebel ha la soo daayo. Waxaan idhaahdaa, waar ninkani reerba maahee waa nin ina wada laynaya ee aynu iska hayno. Waxyaabahaas oo dhan baa maanta taagan, ee waa inaynu ogaano, Caruurteenu way fidnaysan yihiin ee waa inaynu isweydiinaa, sidee looga hortegi karaa waxa socdaa waa Afkaar.
Madaxweyne Rayaale wuxuu ka hadlay habka looga hortegi karo Afkaaraha Argagixisada. “Waxaana lagaga hortegi karaa oo kaliya waa Fikir ee maaha in xabbad lagaga hortego. Waayo, waa fikrad socota oo koraysa oo qaar inaga mid ahi ay wadaan. Waynu is-ognahay oo Derin baynu ku wada fadhinaa. Waa inaynu runta isu-sheegno oo aynu Fikir kula dagaallano oo ay waliba ka timaaddo Culimada oo ay hormood ka noqdaan. Waa inaynu Manhaj tababar ah siinaa umaddeenan, ugana dignaa inay ina gaadhsiiyaan halka ay maanta Xamar marayso. Waayo, shalay Dagaal-ooge ayay isku haysteen (Soomaaliya), maanta wax alla wax ay isku haystaan lama garanayo. marka Diinta layska soo galo waa masiibo wayn oo masiibo ka wayni ma jirto. Dad Muslimiin wada sheeganaya oo haddana is-laynaya fidmo ka wayni ma jirto. Waxaan Umaddeena u soo jeedinayaa oo aan ku boorrinayaa inay arrintaa u feejignaadaan oo ay u soo jeedaan. Nin kasta oo wax garanayaana in uu ka hadlo ayaa waajib ah. Waalidkeenaan waxaan leeyahay Ubadkeena aynu ka war hayno oo aynu Saaxiib la noqono oo aynu ogaano waxay ku jiraan. Maalintii waxbarasho ayay tegayaan, habeenkiina inta ay yimaaddaan ayay seexdaan, waxaan aaminsanahay in waajib inaga saaran yahay in aynu la socono waxay ku jiraan.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland