Guddida Doorashada Somaliland oo heshiis la galay Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska

Axad, 29 November 2009 (HOL)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa ka dib socdaal ay shalay kaga soo laabteen dalka Itoobiya, sheegay in ay heshiis la soo galeen Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska, si ay kala-shaandhayn ugu samayso Diiwaangelinta muranku ka dhashay ee Codbixiyayaasha Doorashada.

Guddidan oo shalay dalka ku soo laabtay siddeed maalmood oo uu safarkoodaasi qaatay ka dib, ayaa mar ay maanta Shir-jaraa’id ku qabteen Magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in socdaalkoodaasi la xidhiidhay tababar ku saabsan arrimaha Doorashooyinka. Waxaanay sheegeen in ay la kulmeen Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashada.

Guddidani waxay intaa ku dareen in ay Qaadhaan-bixiyayaasha ka wada hadleen arrimo la xidhiidha geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Doorashooyinka. Waxaanay sheegeen oo kale in ay halkaa kula kulmeen Hay’ad laga leeyahay Ingiriiska oo ay heshiis kula galeen kala shaandhaynta Serverka. “Shirkaddan aanu heshiiska la saxeexanay oo magaceeda la yidhaahdo Electrol Reform Services International hore ayaanu u aragnay Cv-gooda. Waxaananu heshiis kula galnay kala shaandhaynta Serverka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida Doorashada Maxamed Axmed Xirsi oo ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay guddidu qabteen.

Afhayeenku wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay dalka u iman doonaan  Khuburada ay Shirkaddani soo dirayso ee kala shaandhaynta Server-ku. Waxaanu xusay in ay Shirkaddan iyo Khuburadeedu ay ka madax-bannaanaan doonaan faro-gelin kaga timaadda Axsaabta iyo Xukuumadda oo la rumaysan yahay inay saldhig u ahaayeen khilaafaadkii hore dalka uga dhacay.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland