Axad, November 29, 2009(HOL): Warqad Digreeto ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxawayanaha Dowladda Puntland ee C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa uu magacaabay La-taliyaha Madaxayanaha ee Arrimaha Saxaafada iyo La-taliyaha Madaxawaynaha ee Hidaha iyo Dhaqanka.
Kaddib markii uu Madaxyanaha Dowladda Puntland arkay Dastuurka, islamarkaana uu xeeriyay waxa uu Madaxawaynuhu u magacaabay La-taliyaha Madaxwaynaha ee Hidaha iyo Dhaqanka Xasan Xaaji Maxamed (Xasan Guul-Wade) oo warqada lagu magacaabay uu Tirsigeedu ahaa lamberka 98-daad.
Madaxwayanuhu waxa kaloo uu u magacaabay La-taliyaha Madaxayanaha ee Arrimaha Saxaafada Maxamed C/raxmaan Maxamed oo ay isna warqada lagu magacaabay Tirsigeedu ahaa lamberka 99-aad.
Digreetadan uu maanta Madaxwaynuhu ku magcaabay labadan Masuul ayaa waxa ay dhaqan galaysay marka uu saxiixo Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole maanta oo Axada oo ay Taariikhdu ku beegnayd 29/11/09.
Waxa uuna Madaxwaynuhu Islamarahaantiiba ku duugay qalinka warqadii Digreetada ahayd markii ay ka soo baxday Xafiiskiisa sidaas ayayna ku dhaqangashay Digreetadu sida uu sheegay Madaxwaynuhu.
Magacaabistan uu Madaxwayne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu ku magcaabay labadan masuul xilalka kala gadisan ayaa imanaysa, kaddib markii uu dhawaan ku magacaabay Digreeto Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo uu u magcaabay C/quraan Maxamed Aadan. .
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya