Dacwad loo heystay qaar ka mid ah Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo la soo afjaray.

Axed, 29, Nov, 2009 (HOL) Af-hayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballada dhexe Soomaaliya Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu-yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay in la soo afjaray dacwad ku soctay qaar ka mid ah Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dil u geystay qof rayid ah kadib markii ay tacshiirad ku fureen gaari maryay gudaha Degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud.
 
Abuu-yuusuf waxaa uu sheegay kadib markii muddo dheer la dhageysanayay dacwada iyo eedeymaha loo heystay Ciidamada ugu danbeytii la ogaaday in dilka ay geysteen raga Max'kamada la horkeenay uu ahaa mid si kama ah ku dhacay, iyada oo ugu danbeytiina loo xukumay ehelada Marxuubka dhantay in la siiyo diyo taasoo ay ku qanceen ayuu yiri.
 
Af-hayeenka oo ka hadlayay qaabka oo dilku u dhacay ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo ilaalo ama Roondo ku jiray arkeen gaari sida uu yiri ay ka shakiyeen kadibna tashiirad ku furay Ciidamada taasoo keentay ayuu yiri in Ciidamadu iyaguna rasaas ku ridaan.
 
Dhinaca kale Af-hayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa markii ugu horeysay cabaareyn kulul u jeediyay kooxihii ka danbeeyay dil Jimcihii aynu soo dhaafnay ee maalintii Ciidda kooxo hubyesna gudaha labo ruux ugu geysteen gudaha Masjid ay ku cibaadeysnayeen Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne, waxaana sidoo kale kooxahaasi ay dhaawceen Imaamkii Masjidka oo lagu magacaabo Shiikh Daa'uud.
 
Abuu-yuusuf waxaa uu dilka Culimadaasi dusha uga tuuran sida uu hadalka u dhigay kooxaha hadda gacanta ku haya magaalada Beledweyne inkastoo uusan koox gaar ah carabka ku dhufan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]