Axed, 29, Nov, 2009 (HOL) Kadib dagaalo maalmihii aynu soo dhaafnay qeybo ka tirsan Jubooyinka iyo xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ku dhaxmaryay Xogagga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa jiray hanjabaadyo iyo eedeyno ka soo kala baxayay Dowladda Kenya iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maalintii shalay Maamulkooda ku fidiyay ilaa deegaannka Dhoobley.
Mas'uul u hadlay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo lagu magacaabo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ay ka warhayaan sida uu hadalka u dhigay shirqoolo looga soo maleegayo gudaha dalka Kenya, isaga oo intaa raaciyay in uu jiro kulan Hotel ku yaalka gudaha dalka Kenya ku dhaxmaray Mas'uuliyiintii dagaalka la galay ee Ururka Xisbul Islaam iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.
Shiikh Xasan Yaqcuub waxaa uu intaa ku daray in Saraakiisha Dalka Kenya iyo Mas'uuliyiin Shiikh Xasan Mahdi ay ka wada hadleen dagaalo lagu soo qaado dhulka ay hadda gacanta ku hayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidii, isaga oo uga digay Dowladda Kenya in ay qaado talaabo ka dhan ah sida uu hadalka u dhigay Mujaahidiinta.
''Awalba Dowladda Kenya Cawdow ayeey ku aheyd Umadda Soomaaliyeed, haddana waxaa ay si dhab ah u cadeystay Cadawtinimadii ay u heysay shacabka Muslimka ah ee Soomaaliya, sidaa daraadeed Mujaahidiintu waaa iska caabin doonaan weerar kasta oo dhinacaa kaga yimaada ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub.
Inkastoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku eedeynayaan Dowladda Kenya in ay wadaan shirqoolo iyaga ka dhan ah ayaa haddana dhinaca kale Dowladda Kenya waxaa ay ku eedeyneysaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin in ay ka wadaan Xadka labada dalka Soomaaliya iyo Kenya dhaq dhaqaaqyo u eg kuwo colaadeed sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Yuusuf Xaaji.
Qabsashada deegaannka Dhoobley ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa ay Dowladda Kenya u aragtaa talaabo qatar ah oo wax yeeleyn karta Amaanka dalka Kenya maadaama loo arko Ururka Al-shabaab mid xiriir aan leex leexad laheyn la leh Urur weynaha Al-qaacida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in ay ka warheyso sharqoollo looga soo maleegayo dallka Kenya
More News
- Guddida Doorashada Somaliland oo heshiis la galay Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska
- Dab qabsaday Guryo ku yaala Hargeysa oo sababay dhimasho iyo khasaare kale
- Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 looga badiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo maanta Nairobi ka dhacday (DAAWO SAWIRRO)
- Digreeto ka soo baxaday Xafiiska Madaxawaynaha Puntland oo lagu magaacabay labo Masuul oo qaban doona labo Xil oo kala duwan
- Beeralleyda Soomaaliya oo soo dhaweeyay baaqii ku socday WFP ee dhawaan kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin
- Xaafada ka tirsan Degmada Dayniile oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay saldhigyo ka sameysteen iyo dad ka barakacay
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Dad badan ku qabqabtay howlgallo ay ka sameeyeen degmada Xamarweyne
- Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM oo sheegay inay dalka ka baxayaan markii ay Soomaalidu gacmaha isqabsato
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo cambaareeyay Culumaa’udiin lagu dilay Magaalada Baladweyne
- Dacwad loo heystay qaar ka mid ah Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo la soo afjaray.
- Dumarka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo qaarkood ka cabanaya awaamiir ay soo rogeen Mas'uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada.