Axad, 29 November 2009 (HOL)- Gabadh yar oo shan jir ah ayaa ku dhimatay, ka dib markii cawayskii xalay Dab ka kacay gurigooda oo ku yaala xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa.
Gurigaas oo Buul ahaa, waxa uu Dabkaa ka kacay sababay inuu baabiiyo ugu yaraan shan Buul oo cooshado ah oo ay dhinaca isku hayeen, waxaana ku dhimatay Hadiya Maxamed oo shan jir ahayd.
Ciidanka Booliska iyo dadweynaha Xaafaddaas oo ah isku-raran ay degen yihiin dad danyar ahi, ayaa u gurmaday deminta Dabkaas. “Ilmo yar oo gabadh ah ayaa Dabkan ku dhintay, waxaanu Dabku khasaare laxaadle u geystay ilaa 12 guri oo ka mid ah xaafada State House-ka. Ciidanka Boolisku si balaadhan ayuu arrintaasi uga hawlgalay, waxaana yimid Hoggaanka Hawlaha, aniga iyo ciidanka Booliska. Waxa kale oo bakhtiinta Dabka u soo gurmaday gaadiidka Dab-demiska Madaarka Hargeysa iyo dadweyne tiro badan,” sidaana waxa yidhi Taliyaha Booliska ee qaybta Galbeed ee Hargeysa Cali Maxamuud Faarax “Haddii aan Ciidanka Booliska iyo dadweynuhu gurmad aad u balaadhan aanay samaynin, khasaaruhu wuu sii badan lahaa, waayo guryaha gubtay waxay ku yaaleen meel cidhiidhi ah oo ah badhtamaha xaafadaas,” ayuu yidhi.
Ilaa hadda ma cadda waxyaabaha dhaliyay Dabkaas iyo inuu jiro khasaare kale oo dhimashada gabadhaa yar iyo guryahaa shuf-beelay ka badan oo ka dhashay.
Waxa jiray Dab khasaare dhaliyay oo xilliyo kala duwan ka kacay xaafadda State House ee xaafada Shacabka ee magaalada Hargeysa oo ay degen yihiin dad danyar ah oo qaarkood ka soo laabteen xeryaha Qaxoontiga dalalka deriska la ah Somaliland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland