Beeralleyda Soomaaliya oo soo dhaweeyay baaqii ku socday WFP ee dhawaan kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin

Axad, 29, Nov, 2009 (HOL):  Beeraleyda Somalia ayaa u riyaaqay taageerayna hadalkii dhawaan kasoo yeeray Xarrakatul shaababul Mujaahidiin oo ahaa in hay'adda WFP ay ka gadato beeraleyda Soomaaliya raashinka ay u qaybinayso dadka cunno la'aantu ku hayso dalka.

Hadalkan ayay ku sheegeen beeraleydu inuu yahay mid dhiirigelin u ah, ayna xiligan wixii ka dambeeya beerahooda qodan karaan, sidoo kale waxay ka dalbadeen WFP inay raacdo tilmaamaha la siiyay ee ah inay raashinka ka iibsato beeraleyda Somalia.

"Warka kasoo baxay Xarrakatul-shabaab Mujaahidiin waa mid aan aad u soo dhaweynayo, waxaana uu meesha ka saarayaa culeyso markii hore haystay oo ay ka mid yihiin in miraha kasoo go'a beerahooda aysan ku heli jiray qiimo wanaagsan" ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ah beeraleyda Shabeellada dhexe.

Amarkan ayay xarrkatul shabaab ku sheegtay in hay'adda WFP ay raashinka ka iibsato beeraleyda Somalida wixii ka dambeeyay 2010, ayna bixiso dhamaan raashinka kaydka ah ee ku jira bakhaarada ay Isticmaasho inta lagu jiro sanadkan.

Hay'adda WFP ayaa lagu eedeeyay inay dhabarjab ku tahay waxsoosaarka beeraleyda Somalia, sidaa daraadeedna loo qaabtay go'aanka, iyadoo sidoo kalena laga dalbaday ganacsatada la shaqeeya WFP inay soo xiraan qandaraasyadooda.

Waa markii ugu horeysay oo ay beeraleyda Somalia soo dhaweeyaan hadalkan, iyadoo WFP oo ka jawaabaysay amarka Xarrakatul-shaabab sheegtay in dalaga kasoo go'a beeraha Somalia aysan ku filnayn dadka baahan oo ka badan 3.7-Milyayn.

Maxamed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya