Axad, 29, Nov, 2009 (HOL) Iyada oo maalmo uun ay naga xito waqtigii loo qabtay in ay isku Xijaabaan Haweenka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya guux iyo cabasho ka soo yeeray inta badan Haweenka ku dhaqan Magaalada oo amarka Xisbul Islaam ku tilmaamay mid ka duwan kuwii horay loo siin jiray.
Haweenka qaarkood ay HOL la sheekeystay waxaa ay sheegeen in lagu amray in ay isku Xijibaan dhar gaar ah oo loo tilmaamay iyaga oo intaa ku daray haweenku in Mas'uuliyiinta Xisbul Islaam meesha ka saareen daruufta maanta ka jirta Goballka iyo guud ahaan wadan lagana yaabo in badan oo ka mid ah haweenku aysan awood iibsashada dharka loo far muuqay.
"Qofka haweenka ah ee haddana Muslimka ah Waajib Diini ah ayeey ku tahay in ay jirkeeda asturto, laakiin waxaa ay ku asturi kartaa wax kasta oo ay awoodo ayeey tiri mid ka mid ah haweenka u warmay HOL, taasoo intaa sii raacisay in maanta haweenka Soomaaliyee ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay u sii dheertay xanaanadii Reerka.
Mas'uulka dhinca Amaanka u qaabilsan Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne Shiikh Max'ed Weheliye Odawaa ayaa dhawaan sheegay in looga baahan yahay dhamaan haweenka ku dhaqan Magaalada Beledweyne in ay qaataan Xijaabka isaga oo dhinaca kalana sharuudo ku xiray nooca Xijaabka la qaadanayo.
"Waa in uu noqdaa Xijaabka la qaadanayo mid aan Midabo laheyn, Tiilimo laheyn, islamarkaana uusan ka muuqan wax midabo ah, waxaana uu intaa ku siidaray Mas'uulka haweenka u hogaasami waaya amrkaa in talaabo shareecada Waafaqsan laga qaadi doono.
Ma'aha markii ugu horeysan oo haweenka ku dhaqan Magaalada Beledweyne la faro amarka la xiriira qaadashada Xijaabka laakiin waxaa muuqta in amraka hadda lagu soo rogay uu yahay hadal heyn adag ka dhax dhaliyay gudaha haweenka ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dumarka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo qaarkood ka cabanaya awaamiir ay soo rogeen Mas'uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada.
More News
- Guddida Doorashada Somaliland oo heshiis la galay Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska
- Dab qabsaday Guryo ku yaala Hargeysa oo sababay dhimasho iyo khasaare kale
- Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 looga badiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo maanta Nairobi ka dhacday (DAAWO SAWIRRO)
- Digreeto ka soo baxaday Xafiiska Madaxawaynaha Puntland oo lagu magaacabay labo Masuul oo qaban doona labo Xil oo kala duwan
- Beeralleyda Soomaaliya oo soo dhaweeyay baaqii ku socday WFP ee dhawaan kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin
- Xaafada ka tirsan Degmada Dayniile oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay saldhigyo ka sameysteen iyo dad ka barakacay
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Dad badan ku qabqabtay howlgallo ay ka sameeyeen degmada Xamarweyne
- Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM oo sheegay inay dalka ka baxayaan markii ay Soomaalidu gacmaha isqabsato
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo cambaareeyay Culumaa’udiin lagu dilay Magaalada Baladweyne
- Dacwad loo heystay qaar ka mid ah Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo la soo afjaray.
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in ay ka warheyso sharqoollo looga soo maleegayo dallka Kenya