Axad, 29, Nov, 2009 (HOL): Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha saldhigga afar-irdood ayaa sheegay in 31-qof oo isugu jira askar iyo kooxo kale oo dadka dhibaatooyin ku haya lagu lagu soo qabtay howlgallo socday tan iyo shalay.
C/llaahi Ibraahim Sahal (Gar-dhuub) ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa'id in dadka lasoo qabqabtay ay ku jiraan 13-askari oo dadka degmadaas u geysan jiray dhac iyo dil, ayna ku xiran yihiin xabsiga.
"Degmada Xamarweyne waxaa ka socda howgallo ay sameynayaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka hortagaya burcadda, kuwa calaqa iibiya iyo dadka dhibaatooyinka ku haya shacabka" ayuu yiri C/llaahi Sahal.
Kooxaha lasoo qabqabtay ayuu ku sheegay inay isugu jiraan askar iyo dad kale oo caadi ah, ayna ku xiran yihiin xabsiga degmadaas, lana horkeenayo sharciga, ayna ciidamadu wadayaan howgallada ay kaga hortagayaan dhibaateynta shacabka.
Maalintii labaad ayay ciidamo isugu Booliis iyo Daraawiish howlgalo lagu sugayo amaanka kawadaan degmadaas, iyadoo dadka degmadu ay soo dhaweeyeen howlgalada ay dowladda Somalia ka bilowday Xamarweyne.
Degmooyinka Xamarjabab, Waaberi iyo Xamarweyne ayay dadka ku nool waxay ka cabanayeen dhawaanahan kooxo xiran dharka ciidamada oo dhac iyo dilal u geysta shacabka, iyadoo howgaladan uu gudoomiyuhu ku sheegay kuwo taas looga jawaabayo.
Maxamed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya