Xaafada ka tirsan Degmada Dayniile oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay saldhigyo ka sameysteen iyo dad ka barakacay

Axad, 29, Nov, 2009 (HOL): Degmada Dayniile oo ka baxsan Muqdisho ayaa waxaa saldhigyo ka sameystay ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo ay taliska milaterigu sheegeen in loogu talogalay inay la wareegaan goobaha ay xoogaga kasoo horjeeda gacanta ku hayaan.

Qoysas ka mid ah kuwa dagan xaafadaha Raadaarka iyo Tawakal oo ku dhow wadadada warshadaha ayaa halkaas isaga guuray, kaddib markii tan iyo shalay ay ciidamo ka tirsan dowladda oo dhawaan dalka dibadiisa laga keenay saldhigyo ka sameysanayeen.

"Guryo badan oo ku yaala xaafadeena ayaa laga qaxay, dadku waxay qabaan cabsi ah inay dagaalo xaafadahooda ku dhexmaraan Xarrakatul shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada dowladda ee halkaas la dajiyay" ayuu yiri Cali Max'ed oo ka mid ah dadka weli degan xaafada Raadaarka.

Ciidamadan ayaa la dajiyay agagaarka xeradii ciidamada ee 77, gudaha warshadii hore ee Kabka ciidamada iyo meel ku dhow wasaaradda Gaashaandhiga halkaasoo fariisin u ah ciidamo taabacsan Xarrakatul shabaab.

Afhayeen u hadlay Milateriga Somalia ayaa saxaafada u sheegay in ciidamadaas ay dagaal la geli doonaan kuwa kasoo horjeeda, si ay uga qabsadaan degmada Dayniile oo ay ku xoogan yihiin, ayna u hooskeenaan maamulka xukuumadda Somalia.

Dagaalo dhawaan ka dhacay deegaannada ay ciidammadu dageen ayaa waxay sababeen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed, waxaana goobahaas ag-dagan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwo ka socda dalka Burundi.

Maxamed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya