Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM oo sheegay inay dalka ka baxayaan markii ay Soomaalidu gacmaha isqabsato

Axad, 29, Nov, 2009 (HOL): Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Maj-Gen. Nathan Mugisha oo wareysi ku siiyay xarunta guud ee ciidamadaas ay ku leeyihiin Muqdisho, wakaaladda waraka ee AFP ayaa sheegay in ciidamadoodu ay yihiin kuwo ku filan howsha ay ka hayaan Somalia.

"Ciidankeena ku sugan Somalia waa kuwo isku filan, sidoo kale waxay ku filan yihiin howsha ay qabtaan" ayuu yiri Maj-Gen. Mugisha oo sheegay in kooxaha dagaalka kala horjeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-Qaacida.

Isagoo ka Jawaabay su'aal ahayd xilliga ay soo afjarayaan howlaha ay u joogaan Somalia ayuu yiri: "Markii ay Somalidu heshiiyaan oo ay gacmaha isqabsadaan, kana shaqeeyaan danahooda gaarka iyo maslaxada dalkooda".

Kooxaha hubeysan ee ka horjeeda Dowladda Somalia ayuu sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-Qaacida, ayna ajnabi ka tirsan ururkaas ku sugan yihiin Muqdisho si ay u caawiyaan Al-shaabab iyo Xisbul Islaam.

"Dagaalyahano shisheeye ah oo ka tirsan Al-Qaacida ayaa dalka ku sugan, waxaa cadeyn kuugu filan hadalkii uu sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in dalka ay dagaallo ka wadaan xubno shisheeye ah" ayuu kaga jawaabay Maj-Gen. Nathan Mugisha su'aal ahayd sida uu ku cadeyn karo inay dagaalyahano shisheeye ah ku sugan yihiin Muqdisho.

Sidoo kale isagoo ka jawaabaya su'aal kale oo ahayd: Inay duqeyn xooggan u geystaan goobaha ay dadku ku badan yihiin sida suuqyada marka ay dagaallo dhacaan ayuu ku jawaabay:

"Waan isdifaacnaa markii weerarro nalagu soo qaado, balse waxaan la fiirsanaa hubkeenna goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin kooxaha weerarka nagu soo qaaday, balse ma duqeyno goobaha shacabka".

Ciidamada AMISOM ayuu sheegay in howshooda aysan ku ekeyn nabad ilaalin, balse ay kala hadlaan kooxda Al-shabaab inay hubka dhigto, ayna dib u heshiisiinta ka qaybqaadataan si colaadaha loo dhameeyo.

"Waxaa jira xiriirno dhanka isgaarsiinta ah oo aan la yeelano Al-shabaab, inagoo ku dhiirigelina inay dagaalada joojiyaan, ayna soo fariistaan miiska wadahadalada, ayna midoobaan walaalahood" ayuu yiri taliyaha guud ee AMISOM.

Maj-Gen. Mugisha wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay u joogaan Muqdisho sidii ay u caawin lahaayeen dowladda Somalia, haddii qalalaasuhu uu dhammaadana ay diyaar u yihiin inay dalka ka baxaan.

Xiisadaha dalka Somalia ka taagan ayuu sheegay inay yihiin kuwo aan xilligan meel lagu qiyaaso lahayn, balse uu ogsoon yahay in inta ay kooxi meel taagan tahay oo ay siyaasadaha Somalia sidan ahaanayaan iyaguna ay dalka joogayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya