
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya-C/qaadir Maxamuud Walaayo
Khamiis, May 07, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta wuxuu shir ka yeeshay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Amniga guud ee dalka, Gaargaarka Aadminimo, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo qoraal Is-afgarasho (Memorandum of Understading – MOU) kaasi oo ay kala saxiixdeen dawladaha Soomaliya iyo Kenya.
Haddaba qoraal uu shirkaas kadib soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamuud Walaayo ayaa wuxuu u qornaa sidan:
Shirkii caadiga ah ee Golaha Wasiirada ayaa maanta (Khamiis 7th May 2009) la qabtay iyadoo uu guddoomiynayay Ra’isal wasaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
Shirka Golaha Wasiirada wuxuu ka si qoto dheer uga dooday Ajenda ka kooban afar qodob oo kala ah Amniga guud ee dalka, Gaargaarka Aadminimo, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo qoraal Is-afgarasho (Memorandum of Understading – MOU) oo ay kala saxiixdeen dawladaha Soomaliya iyo Kenya oo ku saabsan kaalmo farsamo iyo dhismaha aqoonta.
Shirka waxaa lagu go’aamiyay in wixii maanta ka dambeeya aaney jiri doonin waxaa loo yaqaan xiriiriyayaasha (Focal Point) ee jooga dalalka Dibedaha, sheegtana inay ka wakiil yihiin wasaaradaha Dawladda Soomaaliya. hawshaas waxaa qabanaya wixii maanta ka bilowda Safaaradaha Dawladdu ku leedahaya wadmada Adduunka.
Dad badan oo aan wax sharci u heysan laakiInse wata aqoonsi Bug ah ayaa ku jahawareeriya hay’adaha dibedda gaar ahaan kuwa jooga magaalada Nairobi.
Hawshaas wixii maanta ka dambeeya waxaa qabaneysa oo masuul ka ah safaaradda Jumhuuriyadda Soomaaliya ku leedahay Nairobi iyo safaaradaha ee Soomaaliya ku leedahay Dibeddaha.
Waxaa kaloo shirku isku raacay in la gudbiyo qoraalka Isfafgrashada oo ku saabsanaa in dawladda Kenya ay ka kaalmeyso Soomaaliya farsamooyinka iyo Kororsiga Aqoonta.
Go’aankan dambe waxaa la gaaray markii wasiirka Maaliyadda isla markaana ah Ra’isal wasaare ku-xigeenka, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shirka amuurtan soo hordhigay isla markaana u wasiirku ka bixiyay tafaasiil dheeraad ah.
Afhayeenka Xukuumadda
Cabdulqaadir Mohamoud Walayo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya