
Khamiis, May 07, 2009(HOL): 25 Arday oo ka kala socday Dugsiyadda maxalliga ah ee magaalada Mugdisho, ayaa waxaa maanta loo qabatay siminaar ku aadaan Nabadda kaasoo ka furmay xarunta dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Ma’mur ee magaalada Mugdisho.
Siminaarkaan oo ay iska kaashadeen qabashadiisa Ururadda u dhaqdhaqaaqa dhinaca nabadda oo ay ka mid yihiin Ururka SOCDA iyo GNRC oo ah ururo ka hawgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala galay in ay ardaydaasi ku qaataan duruus ku saabsan dhinaca nabadda iyo muhiimadda ay nabadu u leedahay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dugsiyadda ku yaalla magaaladda Mugdisho.
Ardaydan ayaa waxaa ay ka kala socdeen qaar ka mid ah dugsiyada caasimadda sida Ma'mur, Imaamu shaafici,Al Cimra, Xamarweyne School, Cabdulaahi Ciise, Dugsiga Naafadda Caruurta, iyo dhalinyaro kale oo ah kuwo aanan lahayn waalidka oo ah kuwa nolosha ku kaliyoobay oo qaarkood xoogsadayaal ah.
Siminaarkaan furitaankiisa oo uu ka hadlay Madaxa barnaamijyadda ee ururka SOCDA C/Qaadir Khaliif Sh. Yuusuf ayaa waxaa uu ka warramay Ujeedadda ka dambeysa siminaarkan oo uu ku sheegay in ay tahay mid ardayda da'da yar lagu barayo fidinta nabadda waxa uuna si weyn ugu sharxay Nabadda iyo faa'iidada ay ugu fadhido ardayda isagoo ka codsaday Ardayda in ay nabadda ka faa’iideystaan.
C/Qaadir Khaliif waxa uu sheegay in nabadda ay tahay furaha nolosha, nabad la’aanina ay tahay nolol la'aan. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ruux kasta uu si weyn ugu baahan yahay nabad, gaar ahaanna ardayda da'da yar oo uu ku tilmaamay in ay saameyn ballaaran ku yeesheen colaadahii soo maray dalka.
Siminaarkan u furmay ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa casharro ka bixinayay macallimiin takhasus gaar ah u leh nabad dhalinta, kuwaasi oo ku soo bandhigay duruusta ay bixinayeen maqal iyo muuqaal.
Ugu dambeyntiina, sida laga warqabo caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka, gaar ahaan magaaladda Mugdisho waxaa aad iyo aad u saameeyay nabad-darri in badan ka jirta gudaha caasimadda, waxayna qaarkood u geysatay dhibaato nafeed, kuwo dhaawac iyo barakac, waxaana nabad la’aanta ka jirta Muqdisho ku xermay in badan oo ka mid ah goobihii waxbarashada dalka, kagadaal markii ay bateen colaadaha iyo dagaallada soo noq noqday ee 18kii sano ee aan ka soo gudubnay ka dhacayay Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya