Khamiis, May 07, 2009(HOL): Xiisad colaadeed ayaa waxay ka taagan tahay qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xiisaddaasna ay u dhaxeyso Xoogagga kala taabacsan Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab.
Xiisaddan ayaa waxay oogantay kaddib markii sarkaal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gaari la socday lagu weeraray nawaaxiga Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan, iyadoo halkaasina ay dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab ee markii hore lagu weeraray qeybo ka mid ah Wadada 30-ka mar kale lagu sii weeraray Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Warshaddii Tarraqa iyo Sigaarka. Weerarka dambe kaddib ayaa waxaa dhacay iska hor-imaad xooggan oo dhexmaray Xoogagga Maxkamadaha iyo kuwa Al-Shabaab, kuwaasi oo rasaas xooggan isugu adeegsaday iska hor-imaadka dhexmaray.
Xiisad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii baaho dagaalka dhexmaray xoogagga labada dhinac oo dhawaanahanba ay u dhaxeeyeen weerarro gaadmo ah.
Dhanka kalena, Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah Xisbul Islaam ayaa ugu baaqay dhinacyada xiisadda colaadeed ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho, wuxuuna dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan.
“Diyaar ayaan u nahay in aan dhigno gogol ay Mujaahidiinta iska soo horjeeda uga hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, iyagana waxaan leenahay Alle ka baqa oo joojiya dagaalka aad iskala soo horjeeddaan oo ay dhici karto in ay dad rayid ah dhibaato ka soo gaarto”ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya