![]() |
| Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan |
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xiisadda colaadeed iyo sida uu u yiri kala shaki u dhaxeeya labada dhinac uu soo bilowday xiligii Maxkamadaha Islaamka ay bilowga ahaayeen.
Wuxuu sheegay in xitaa Madaxdii Maxkamadaha ugu sarreysay oo kala ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys ay mar is-qabteen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu xiligaas ku dhashay shaki ah in ay dhinacyadii Maxkamadaha ka wada tirsanaa ay iska hor-yimaadaan.
Dhinacyada ay xiisadda colaadeed ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan in ay joojiyaan dirirta iyo is-ugaarsiga uga dhaxeeya, “Qofka marka uu Sheydaan lagdayo ma garan karo waxa uu sameynayo. Waxaan alle ka baryayaa in uu i oofsado iyadoo uusan Sheydaan I lagdin”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.
Dhanka kalena, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalena uu la ballansan yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys, “Shariifka waan wada kulannay, waxaana ku iri haddii xal uu ku jiro kursiga aad ku fadhido maka degeysaa, wuxuuna ii sheegay in uu ka degayo haddii sidaas xal lagu helayo. Shiikh Xasan Daahir markii uu yimid Muqdisho Taleefoon ayaan isku salaannay, haddana waan ballansannay, isna waxaan rajeynayaa in aan is-afgaran doonno”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka, waxaana taageeradaas darteed mar loogu xiray dalka Kenya, inkastoo maxkamad la soo taagay ay ku weysay wax dembi ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
