Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo qabsaday Markab laga leeyahay Dalka Holland oo ay la socdaan 8 Shaqaale ah

Khamiis, May 07, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qabsadeen Markab laga leeyahay Dalka Holland, kaasi oo ay la socdeen 8 shaqaale ah.

Andrew Mwangura  oo ah xiriiriyaha Hay’ad qaabilsan Badaha Bariga Afrika ayaa sheegay in markii la qabsanayay Markabkan uu marayay Gacanka Cadmeed, iyadoo ay soo qabsadeen Kooxo Burcad Badeed ah oo watay doomo aad u dheereeya.

Markabkan ay qabsadeen Kooxaha Burcad Badeedka ayaa qabsashadiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan ay Kooxahaas qabsadeen Markab laga leeyahay Dalka Greece, hayeeshee ka diiwaangashan dalka Britain, iyadoo markaabkaasna ay la socdeen shaqaale u dhashay dalka Ukraine.

Kooxaha Burcad Badeedka ayaa marka wax laga weydiiyo sababta ay Maraakiibta iyo Doomaha u qafaashaan waxay ku doodaan in ay Xeebaha Soomaaliya ka ilaalinayaan Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta iyo kuwa ku shuba sunta khatarta ah.

Haddaba iyadoo ay Kooxaha Burcad Badeedka sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya iyo weliba Biyaha Caalamiga ah ee ku xeeran ayaa waxaa dhinaca kale socda howlgallo Burcad Badeedka lagula dagaallamayo, kuwaasi oo ay wadaan Ciidamada dalalka shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya