Maxey ka wada hadleen Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo Wafid ka socday QM oo socdaal ku tagay Magalada Beledweyne?

Khamiis, May 07, 2009(HOL): Wafdi heer sare ah oo ka socday QM, gaar ahaan laamaha u qaabilsan arrimaha Bani'aadanimada ayaa markii ugu horreysay waxaa ay booqasho ku tageen Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.
 
Wafdigan oo uu horkacayay isu duwaha deeqaha QM Ninka lagu magacaabo Mark Bowden
ayaa Saacadihii ay joogeen Magaalada Beledweyne waxaa ay kulamo la yeesheen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee Goballka, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, iyo waliba Ururada Maxalliga ah ee ka howlgala Goballka kuwaas oo dhamaan ay ka wada hadleen arrimo la xiriiraha Bani'aadanimada.
 
Kulanka Saraakiisha QM iyo Maamulka Goballka ayaa intiisa badan waxaa xoogga lagu saaray sidii loo gar gaari lahaa dadka ku dhaqan Goballka kuwaas oo bilihii ugu danbeeyay ay la soo darseen Abaaro iyo colaado is xig xigay, waxaana uu Maamulku u sheegay Saraakiisha QM in ay ka qaadan doonaan u gar gaarida dadka tabaaleysan gacanta ugu aadan oo ah sugida Nabad-galyada.
 
Gaar ahaan waxaa farta lagu fiiqay in la helo Cunno iyo Biyo Nadiif ah si markaa loo yareeyo Cudurrada ka dhashay Cabista biyaha Wabiga oo inta badan dadku is ticmaalo xiliyada ay jiraan Abaaraha iyo Biyo la'aanta, laakiin hadana meesha lagama saarin baahida Maamulku u qabo in gacan laga siiyo dhismaha Ciidamada Baliiska iyo in Saraakiishu gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa dhismayaasha bur bursan ee Goballka.
 
Mas'uul ka tirsan Hay'addaha Samafalka ayaa si gaar ah ugu sheegay HOL in muhiimaddu tahay marka hore in la hubiyo Nabad-galyada, isagoo intaas raaciyay in Saraakiishu maanka ku hayaan falalkii ugu danbeeyay ee ka dhacayay Goballka kuwaas oo wax u dhimaya arrimaha Nabad-galyada.
 
Inkastoo Wafdigu Saacado kooban joogeen Magaalada Beledweyne ayaa haddana dhinaca kale marka la eego waxaa la oran karaa dhaq dhaqaaqoodu waxaa uu ahaa mid kooban, waxaana xusid mudan in Wafdigu uusan booqan goobo markii hore leys lahaa waa ay tagi doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya